Awal
Cali Jaamac Haabiil, (HA)

Gabaygan waxaan filayaa inuu abwaanku tirshey ka dib markii Suldaankii Seylac turkiga uga wakiilka ahaa ee la odhan jirey Maxamed Sharma-arke(Muuse Carre) la ogaadey inuu qalcad ka samaysanayey Berbeera oo doonayey inuu ka qaado Habar Awal. Maxamed Sharmaarke gabaygaas ayaa fashileyey oo waakii isag iyo labadii doonyood ee berbera ugu shixnadaysnaa ay u carareen xagga iyo Bullaxaar. Maxamed Sharmaarke inta Biddeyaashii ilaalinayey loo dhaafay ayaa lagu diley dekedda Bullaxaar.

xalay meel an jiifsaday halkay Maayaddu i geysey
Alla muusannaw iyo tirtire maad maxaan ku arkay
Wax magaaladdii laga warramay waydinnaan maqalle

Maantaan dhashee Maydaloow lay mashxaradaayey
Haweenkuna waxay moodayeen maahir soo kacaye
Magacay be' marinkii wax furay dar anan moodayne

Marsadaa Berbera maalintuu Malagu soo jeexay
Midigtii Subeer buu ku dhacay malabki doocaane
Mataan adan lahayn lama qotoo rag isku maandhaafye

Kolka maaxdu kuu baylahdaa maalin la cabbaaye
Ogoobey maddada kii jabshaa midigta kaa yaalle
Waxaad mooya qooqaaratiyo malabe waa beene

Waxad mooddey mawdbaa sokada kaaga soo maraye
Gaalada Miskoo iyo haddii Minilig lay keeno
Ingiriis madaafiic hadduu nagu milaaleeyo

Awal aan la marin Saaxil oon meesha laga waayin
Nin madoobi xeebtii hadduu maro ka soo qaato
Abtirsiimaday muran gashiyo manidi Haabiile


Previous     Top      Next