Ma-Anaa
Cabdi Gahayr, (Idagale)
Gabaygan wuxu Cabdi ugu Jawaabayaa nin Ina Badhe-Tuug la odhan jiray oo Ciise-muuse ahaa. Ninkaasi wuxu gabay ugu soo hiiliyey Sacad-muuse oo Ciidagale ayuu ka hiiliyey (Gabayga ma hayo ee waan baadi doonayaa). Wuxu yidhi Cabdi Gahayr oo ninkaas iyo tolkiisba si aan wanaasanayn u caayayaa:
Hadday dayro qoyskaaga taal waa la qariyaaye
Qormadii ragiinii la dhigay way qudhmuuntahay
Qosol naaguhuu ugu kordhaa qaawinta habeene
Qadhiidh laguma soo helo wixii quufla kaa tegaye
Hays moodin reer Qaadunkaa qiimadaa koraye
aduunbaa qareen moodayee kuma qariibshaane
qabiiligu ha loolamo sidii laba quruumoode
qabno iyo laxaad lama gudnanid qaranka Daa´uude
qaraamaad ma siiniyo martida quula loo dubaye
qunbe iyo wankiyo goolashaa lagu quraacshaa
waxa qiimigiini bedelay waa qadoodiga´e
qiyaamihi ifkuu idinku helay qiranna maysaane
maanaa qubuuraha siyalay idinku qaadhaanshay
qormadiina maana ka dhigay qoorriyada xeebta
hablihiina maana u qoray dhuxusha qaadaaya
qolqolkiina maana ku xidhay qaalinka candhoobay
maana arliga qaybiyey oo qoobad idin siiyey
idinkiyo qodaalkuba horaa qurux u weydeene
sidii eebahay kuu qadshaan kaaga qaanacaye
Gabaygan waxa ka jawaabay gabyaa aan u malaynayo Hurre Badhatuug. Jawaabta oo aan na soo wada gaadhin waxa ka mid ahayd;
Qabuuraha waxaa gala kuwoo qaammudkood galaye
Malaa idinku kiinnii qudh-baxa waabad qalataane
|