Miyaannaan
Maxamed Aadan Caws "Yawle", (HY)
Gabaygan wuxuu Yawle kaga jawaabayey gabay ninka Birdhiile(Idagale) la yidhaahdaa u soo tirshey kuna saabsan dilkii Aw Cilmi.
Waakii Cabdi gahayr tirshey dhowrka gabay sida
Waaydanba habaryonisbaa wahabku saarnaaye
Wadaadada halkii lagu Diliyo Ceegi waraqeeda
Wareegada hadday ugu qalaan wadhidii Xananley
oon sida dabaylaha wacdiga weerarku is dhaafin
Ey Waaxley mariyaan colkii webiga jiidhaayey
Sidii Caano weelkii ku jira lama wadaageene
iyo kii kale ee ahaa
Sida Caawa habaryoonis tahay Ciidagale diidye.
Wuxuu yidhi Yawle.
Carrawdaye haddaad Daahirow Ciidagale gaadho
Nin calooleh baa qaadi kara Caynka maansada'e
Waxaad sii carceertaba adoo ciiro iyo boodhle
Togga ceerigiisiyo halkii ceelashiyo Dhuurta
Iyagoo cammiranbaad Qaxwaha la cabbi doontaaye
Adigaan cartaba laalinbaa Caabbi kuu imane
Cige iyo Birdhiiliyo Cayuun Caalin iyo Qawdhan
Cabdi waxaad tidhaahdaa afkay naga canaantaane
Carruurtay na maqashiin siday ceebi nagu talle
Cosobkiyo hadduu geelayaga Caado uga dhaarto
Ogaadeen ciqaabkiyo nabsiga iyo culuqu waw yiille
Iyagaba raggii caagganaa looma caabudane
Cumar Dheere iyo baa la diley culimadoodiiye
Cadad maleh intuu reer Ugaas cunay waraabuuye
markuu Cali ku maansoonayey ee ciil la hoganaayey
Cabdilliyo Makaahiil miyaan ciidan laga waayin
Cosobkiyo hadduu geelayagu Caado kor u dhaafo
Miyaanaan Cammuud iyo Wardheer calan ka laalaadin
Miyaannaan Biciidyahan cantaray curub ka kawsiinnin
Miyaan Caliyo Haaruun ka qixin cidhifki laamaale
Cabaadkii Ogaadeen miyaanu ciidda mari waayin
Cusbaale iyo Xananley miyaan coodan lagu qaybsan
Miyaanaan caroofiga xeryaha cayn walbuu gelinnin
Curdankiyo sagaarada miyaan caydhu ku ekaannin
Intii aan Talyaanigu cammirin cidhifyadaa kaynta
Miyaannaan cadceed iyo cadceed celinnin Daaroodka
Ilaa Ceerigaabiyo nugaal Caynabiyo Dhooddi
Ama cal iyo Buurdhaabo iyo cidhifka Heegaale
Miyaanaan canshuurtuu la yimi Caarshe kaga diidin
Miyaannaan Catooshii fadhiyey cadho u liishaamin
Miyeydnaan caddaadley ogeyn cabashadii joogtey
Daraawiish cabbaysani markay bari ka soo ciirtay
Cali Geri markii ay watteen caga badnii Shiikha
Miyaannaan wadaadkii cawarin camalliyeynaayey
Cuqaashii miyaannaan ku layn ceelkan gudihiisa
Cadaawuhu Isaaq maalinbay cuni lahaayeene
Caddiinkiyo kornayladu miyaanay ciidda mari waayin
Gunbaa maalintii camalidoo cararta goortaase
Miyaannaan caddaan iyo madaw uunka wada ciilin
Miyaannaan curdeynada ku bixin cara ku soo guura
Ways caasinee iga wallaan cirir na saarrayne
Cabbaar yar isma gaadhnoo intaa waa ka culusnaaye
Cishiriin sanaan reer tolkay colugu dhaantayne
bal ciyoon na suga uumiyii naga cabsoon waaye
|