Imanmayso HY
Maxamed Aadan Caws "Yawle", (HY)
Gabaygan caanka ah wuxuu abwaanku tirshey mar uu ka qaybgalay shir Habar Yoonis Burco ku lahayd. Nin gabyaa ahaa oo Weerar Cali la odhan jirey,kana qayb qaatay Silsiladdii Xaydha, ayaa ku yidhi Yawe "Haddaan tolkaa kula socon maxaad keligaa naga soo doontay". Yawle arrinkaasi waa ku weynaadey wuxuuna gabay ku sheegay sababta shirka aan loogu dhammayn isagoo tibaaxay dhibaatada jilibka weerar u geysteen haba yoonis una kala firdhiyeen oo qoloba meeshii ay dan moodey afka u saartay si ay ugu badbaaddo.
Gabaygan oo sida ka Faarax Nuur la yidhaahdo KALAGOOYE wuxuu ku bilaabay abwaanku:
Arrinkaad waddaan reer Xirsoow aayatiin malehe
Irdhaa galay ragi Weeraraw idinku oodnaaye
Afartaa garyahan bay qabteen sida ugaadheede
Abtirsiinyadii geedka iyo anafadii joogtey
U adkeysanmaynaa la yidhi aabbe yuu dhalaye
Imanmayso Habar Yooonistaa u alwanaysaane
Isxaaq waxuu ununufaa uurku-taalada'e
Bal eego Afmeer bay galbeed uga arooraane
Markay idin arkaan geelashaa uubka loo ridaye
Iman mayso Habar Yoonistaad u alwanaysaane
Awal raace Muuse Cabadlana odayadoodiiye
Waa aawadiin waxa ku furay Awdal iyo shiikhe
Haduu gu'gu Abooray ka da'o ay ma soo galo'e
Iman mayso Habar Yoonistaad u alwanaysaane
Afka Gubato sidii Reer Xuseen loogu wada aasay
Indhahay ka meermeeriyaan urur aad joogtaane
Inan intuu ka noolyahay iga walay idin ilaaweyne
Iman mayso Habar Yoonistaad u alwanaysaane
Ayaan kaliya waatii Gunbuur oodda loo rogaye
Amaxaarnana sidaa Reer Cigal uma ataagteene
Namankii ajalay baad tihiin Aw Cabdiyo Nuure
Illaa ay dhawaan urursadeen awr ma soo tu'ine
Iman mayso Habar Yoonistaad u alawanaysaane
Bah Dhulbahante adaxaa ka badan eeda loo dhimaye
Inta ooryo laga qaaday baan la ashqaraaraaye
Maxaa inan adhxaa lagaga jabay aabi lagu toogtay
waxay Ededan ugu meerayaan amase Oodweyne
Ala igu oge kuma aaminsana laba ayaamoode
Iman mayso Habar Yoonistaad u alwanaysaane
Ugaadh Cumar siday uga qaxeen awrta reer Sugule
Ergo laguma siin geelashaa wada afduubteene
Iman mayso Habar Yoonistaad u alwanaysaane
Laba Muuse ubaxii cuntayoo aaran baa hadhaye
Hadaanan bari abaar lagu salidin idinma eegeene
Ooshana ma soo dhaafiyeen Eexa iyo cayne
Agoonta uma keeneen ragi aabahood dilaye
Iman mayso Habar Yoonistaad u alwanaysaane
Iddaraysna waa kuwaa sikaday ugubadoodiiye
Abokor iyo Reer Rooble waad ku adyadooteene
Bal maxay ku aanaynayaan odaygan ciil Beyle
Afka Boqorle iyo Tuuyo iyo idhamadaa Baarcad
Sidii adhi Tadcaareed ragii lagu idlaynaayay
Imanmayso Habar Yoonistaa u alwanaysaane
haddii meel aroos laga dhigoo igilku weynaado
Udbaa iyo dhigaa laysku xidhay kuma addeecaane
Abjaddada haddii lala galuu ilaxidh yeeshaaye
Ragna hadduu ilmaadeerro yahay ururku waw doore
Marse haddaan ataag laga baxayn kala awaareeye
Oohow kuma xasilo geel haddii aar u soo dhaco'e
Askunkiinnu nimankuu ahaa Aadan iyo Xaawa
Arab iyo haddaa Cali Siciid idin ogaadeene
Aduunbay addoon kula noqdeen iib la dhaafsadoe
Waayadanba udubkiinna qaar kama aroostaane
Imanmayso Habar Yoonistaa u alwanaysaane
Teeriyo Ugaadeenka yaal iimey iyo Taanga
Abaalkiinnu waa inaan cadawga idinku eegaaye
Eebada shisheeyuhuba waa idin asqaysiinne
Ammaana Alla waydiin bannaan labada oofoode
|