Cankabuud
Nin Cabdullahi Baashe la yiraahdo oo ay Salaan Ilmaadeer ahaayeen ayaa Cadan tegey beri. Wuxuu dareemay in la hagraday oo rag badanoo gabdho ay qaraabo yihiin qabay aysan SOORYEYN. Isagoo arrintaa tilmaamaya ayuu cabdullahi gabay tiriyey ay ka mid ahaayeen erayadan
Dhirta kale haddaad goyso waa gubayo hiireede
Geedkaan garaacnaaba waa Gawlaliyo Jiice
Ilaahbaa gacmaha noogu xidhay maydhax Gumareede
Geesigan ismaaciila iyo Godane mooyaane
Way guur xumaysteen hablii geelle dabadeede
Salaan Carrabey oo Markaa Cadan ku sugnaa ayaa looga dacwoodey ninkaas. Salaan wuxu Cabdulahi ku yiri gabay kale oo aad arrintaas kaga noqonayso tiri illeen waa ceeboo ragga xil baan isku leenahaye.
Cabdullahi Baashe ayaa markaas tirshey gabay uu kaga sii daray eedayntii uu hore u tibaaxay asagoo leh
Haddii aanan gaaliyo islaam eedba cid u geysan
Oon seedigay waxa u galo giirka ka caddeeyo
Ma la guban haddaan Geelle Mire sheego gacantiisa
oo uu uga jeedo wax bixintiisa.
Salaan baa gabay halkaa ka qabsaday aanan wada hayn balse ay erayadiisa ka mid ahaayeen.
Cabdillaahi Baashoow cataqay gabay caraadkiise
Maxaad cuni ha joogtee adduun caashaqii dhigaye
Sidan caddadka biluhu tirsaday waan cabsanayaye
Qorrax casarka joogtaan ahoo ciiri dabadeede
Tixda waxan cashuuraba haddaan caynka ka higaadsho
Aniga cayda iiguma baxdiyo ceebta dibadeede
Carradaba nin laga naadiyoo caan baxaan ahaye
Cuqle midu u baxay baad tahoon caabudeyn axade
Cabbaar gabana meel uma fadhidid cisiyo maamuuse
Hadba tol aanu ceesh milix nahaad nagu cadhaysaaye
Cimrigiisa niman laasanayn looma caal helo'e
calliyohow cirradu waa dhabtii caammadaan garanne
Calaamooyinkii oday lahaa caasha idin saarye
qorax casarka joogtaan ahoo ciiri dabadeede
kuwaanu isku ciidamis ahayn caadna laga waaye
Hadba waxan calool doonayaa curufadaydiiye
Cindigaan hurdada fiiriyaa caam intaan jiraye
Naf cankuurka loo yimi Rabbaa caaqibuu garanne
Calool qulubtay waa yaab asaan cudur la taahayne
Caad iyo kancaan iyo samuud cadawyadii diinta
Cantar binu shadaad iyo kuwii coofka kor u taagey
Callaaq baa la sudhay reer Cimaad caro daraadeede
Caqlow dhimoe Cooj-bini-Cunuuq caadda laga yeelye
Casha keliyabaa reer fircoon wiish la caaridaye
Raggii dunida curiyee gudhsaday caadna laga waaye
Cabdalla Xasan waxa soo xasladay caarshe iyo Giibe
Cirkaa lagaga soo degey markay car isu taaageene
Cankabuudka caaradu xidhee lagu cayaaraayo
iyo wiil cartii qaba intuu amar la ceeryoomay
Cindallaahi waa simman yihiin waana laba cayne
Caddad mal leh rijal ladan intay calal ku duubene
Ooy meel cabbaar loo qodqoday kaga carraabeene
Oon camalka mooyee qabriga cid uga yeedhayne
Camma nin akhristaa jeer danbuu ku cibra qaataaye
Shaydaanka laga Cawdsado iyo carada yaasiinka
Wax cadaabta lagu waariyaa gaal cadiiqsaday
Nin cirroobey oo soo gotoo camal ku soo raagey
Eebow adigu hay caddibin caadil baa tahaye
|