Fircoon
Cali Jaamac Haabiil (HA)
Waa gabaygii caanka ahaa ee Cali Jaamac ku tilmaamayey falalka waxshinimada ah ee uu ku dhaqmi jirey ninkii Wadaadka isku sheegi jirey ee geyiga soomaliyeed gelelefayey horraantii qarnigii 20 aad.
1. Indhaweydba waataanan tirin taawadii gabaye
2. Ta'da niman aqoonnini intuu tubaya baanaayo
3. Way iga tadheeyeen halkii malabku tuurnaaye
An tumaati rido waataa murtida igu tuhmayseene
4. Tawraad iyo Injiil iyo Furqaan kala tol weeyaane
5. Toolmoonihii Maxamed(NNKH) baw tegey Ilaahaye
6. Tawxiidkuu na faray looxyaday noogu taal weliye
7. Waa tiir aan naga liicihayn taannu leenahaye
8. Waxa lagu tilmaansado sharciga malaha tuurtuure
9. Rasuulkii (NNKH) wuxuu naga tiruu taabka ku hayaaye
10. Tacabkii ba' waa sida Fircoon tab iyo diinaade
11. Isagaba Badbaa lagaga tegey naarna lagu tuurye
12. Kanna taakadaas baw hadhoo waa tukubayaaye
13. Ha targaafo sida Towja geel Tuurin baw qorane
14. Afartaa ma taranteerrinine maysku wada tiirshey
15. Togaggaan ka soo qaadan jirey Taar ma kaga keenay
16. Tuduc kalena way hadal yaroo tamashle waayeel ah
17. Toogtii horeetuu isaaq taw ka soo yidhiye
18. Tamaradii Ilaahay ka qaad Timihi Daaroode
19. Arasame ma tooxsado fardaha takhantakhoodiiye
20. Tafantoofe nimankii Nugaal taysa ku lahaaye
21. Maxamuud Garaad turunturruu weli la tiicaaye
22. Barkadkii tumaadida caddaa tuhunki waa beene
23. Teed laguma oga Bahararsamii turuqa weynaaye
24. Garaadka ay tumaaluhu dileen taawishaa ba'ane
25. Tolkood nimanka iibsadey Ilaah tacabki waa siinne
26. Tawstuna Cali Geri bay ku hadhi taniyo xaataaye
27. Talaatiinka Ramadaan ninkii idin takliifaayey
28. Toobadda iyo Ash-haadada ninkii idin taraarsiiyey
29. Hadduu Teerigii idinla helay nalagu taamaayey
30. Tunka ka leefa dhiigiyo ilmada idinka tiixaysa
31. Hadaba toogga baxa waa janada talalaxdeediye
32. Tureecada day waataad kufriga nagu tilmaanteene
33. Toddobuu qabaa naaga xora tuu falaa darane
34. Kun towxiidsanaayuu sidii Teys u gawracaye
35. Taag niman lahayn iyo agoon buu ka taajiraye
36. Safar waa la taakulin jiree lama tayiiseyne
37. Isna turuqyaduunbuu jaraa timirta cuurtaaye
38. Taladii Ilaahay ka qaad tuuggi reer Xamare
39. Ma Talyaanigaasaa mahdiya tanina waa yaabe
|