Boosaalle
Jaamac Axmed Jaamac "Gacmadhere" (HJ)
Boosaalle
Boosaalla gabay waanigii baabki gaabsadaye
waataan benneday maansadii buuradka ahayde
Waa taan berkeduhuu ku jirey boolashaw xidhaye
xaluunbaa habeenkoo badh tegey soo baraarugaye
markaasaa albaab lay ballaqay baanna lay tumaye
Barkimooyin baa lay dhigoo lay barraxay meele
Markaasaan Bayaan ugu fasilay buug intaan deyaye
Aan bineeyo caawana midbaa bebaya laabtiiye
Rag is beegay meel lagu ballamay laguna soo buuqay
Birmadaa markii laysku ridey badina loo tuuray
Boojaaji dhaaftay ee kolkay qaraxday baaruuddu
Buxuur niman ahayn iyo markuu fulaygu baashaalay
Dhawaan baradku goortuu baqdee biidna tari waayey
Ban-ka-qooqu meeshuu ka dido Baarqabkaa mara'e
Aan bineeyo caawana midbaa bebaya laabtiiye
Beyd gaabku hadal uu yidhuu beri dhan haystaaye
intuu erayo baandhaynayay bilo ku dhaafaane
Ma soo biiriyee aniga way bad iyo mawjaade
Way sida baraha roobka iyo beeb la furayaaye
Aan bineeyo caawana midbaa bebaya laabtiiye
Burka karin barkada Ceel daraad buruca laas-Muuse
Bullada xeebta bookhyada Hodmiyo buurta regedkeeda
barxadaha Shalcaw iyo dixaa Cawda badan yeeshay
Mullaaxbeyle iyo Maydh-ta ay barakadii joogto
Badda meersan tuulada Buraan taniyo Boosaaso
Banaankii Xadeediyo Soolashaan baadku ka idlaanin
Bixin iyo Berdaha Mooda iyo Buulalliyo Qaarrey
Buska Ceelafweyn iyo Gureedh, Barada Suugaale
Batallada Wareeg iyo Sammaad, Jeexa Balanbaalle
Bohol iyo Bankaa Darantaliyo barasankaa Geela
Baaraxa nugaaleed intay Beden ku foofeyso
Badweyn iyo boggaa Caynaba iyo yadanka Buuhoodle
Bacaroorta Daad iyo Saraar daanta Bariyaad ah
Burco iyo kuraha Siibaqti iyo Beer iyo agteeda
Bitaanshe iyo Biyaha Ceelalood Mamaca Bawbawle
Darka Boocle Beeyada macaan Boqonta Laasciidle
Buqda kulu Burcada Tuug-galgaley baafiyaha hoose
Berkadaha Dubaar iyo intaa Feerya bidixdooda
Bullaxaar dusheediyo Hudaha baasha kaga toosan
Balka Webiga buuraha Qotoma iyo Beled Galbeedo dhan
Bullaalaha ogaadeyn cabbo iyo lebida Baardheere
Badhaa Hawd Ballida Hoobiyood Baarcad gudubkeeda
Intaasoo bilaaduu degaa badanow reer shiikhe
Haddaan uumiyuu naha baqayn baad ma guraneene
Barqa weerar Gadiyo badheedh booligiyo siinta
ninkii kaleba qaar uma baxsheen paradise xoolaaye
Rabbow biliga noo daa Halqigu nama bariiyeene.
|