Dhaleeco
Jaamac Axmed Jaamac "Gacmadhere" (HJ):
Dhaleeco:
Horaantii iyo badhtamii qarnigii tegey caado ayay ahayd in hablo dhul kale ka soo dhuyaalay ay dhoobada Berbera yimaaddaan. Isagoo arrinkaas sheegaya oo gabadh la khatalay sifaynaya ayuu yidhi abwaanku;
Gabadh yahay dhambaal baan heloo dhaygagbay dilaye
Dhoobadan Habluhu caafimaad kalama doofaanne
Sidii Geel Dhukaan qaba maxaa godey dhafoorkaaga
Ma Dhurwaayaddii baa ku helay dhagarta doonaayey
Dheeldheel miyay kugu dileen dhab uma laayaane
Dhabtay kugu legdaan oo Leggay kugu dhaweeyaane
Dhuumaaladii jaan miyaa lagugu dhaafsiiyey
Dhunkashiyo is-yeelyeel miyaa lagugu dhuun gooyey
Ma Dhamaasasay kugu qabteen Dhira ma waayaane
Dhallinyarada liishaanku waw dhiirranaan jiraye
Dhiigyacabka Ina Seed miyaa gacanta kuu dhiibshey
Ma dhawrsado'e Baydari miyaa dhoonbir kugu toogtay
Ma dharaarahaad soo gashay baa shilin laguu dhiibey
Ma waxaan Rubbiyad dhaamin baa dhimasho kuu geystey
Ma dhabowdey waxan moodi jirey dhaar-dusmiyo beene
Ma yartaada dhabankaa leh baa dhaqasha Guur seegtay
Adigaan dhegtaaduna xumayn dhaladna noo sheegtay
xabaal lagu dhabsiiyeey miyaa lagu dhaleeceeyey
|