Gardarriyaa
Cilmi Ismail Liibaan "Boodhari", (Ciidagale)

Intaan adiga kugu gooniyaa geed hadaan la hadlo
Ama aan gawaan qodayo may gama'sanaateene
Gaalada ha joogtee sidaa gacal ma yeeleene
Gardariyee maxaan Hodan Cabdaay kaaga go'i waayey
Sidii aad go'aygii tihiyo macawistaan goostay
Ama aad godkii aakhiriyo geeri iga baajin
Ama aan geyiga lagu ogeyn gabadh kaloo joogta
Gardarriyee maxan Hodan Cabdaay kaaga go'i waayey
Gadiidkii an toosaba adaan kuu guntanayaaye
Goobtaan istaagaba dhulkaan godad ka jeexaaye
Sidii aad gidaar tahay maxaa kaa  garab taagey
Gardariyee maxaan hodan cabdaay kaaga goi waayey
Mana guursan kari waayinoo geesi baan ahaye
Adaan kaa gungaadhaayey oo helay geddaadiiye
Gardarriye maxaan Hodan Cabdaay kaaga goi waayey
Haatanse bal waan guursan haddii guulle ii wacaye
Oo weliba gedahaa ka dayan gobolladiiniiye
Iyadoo gabiib u eg markaan uga kaxaynaayo
Ee aan gahaydhiyo la tago gubanadii hawdka
Ee aan ganuunta ugu shubo Gooha lebenkeeda
Gibladiyo cayaaraha markuu geeljiruu tumayo
Ha geyoobin waataad lahayd gool jabaan helaye


Previous     Top      Next