Sahwi
Cilmi Ismail Liibaan "Boodhari", (Ciidagale)

Marka horeba anigaa sahwiyey ina adeeroowe
Ooduba xigtay leedihiyo ubaxa geedaaye
Abtiyaaladay baa ii ekaa inaan adeecaaye

Ammaantii ugaadh Cumar lahaa Ereg maxaa geeyey
Qaar hooyaday u Edo tahoo aad baa jira'e
Allahayoow afkaygiyo sidaan aadmiga u eeday

Ama darayo Oodweyne way omos badnaayeene
aagamo haddii loogu shubo ma engegnaateene
Abaaraa ku doogoobi laa erayadaydiiye

Allahayow afkaygiyo sideen aadmiga u eeday
Iftiinka uma soo baxo ninkii iilka jiifsadaye
Wixii kaa adkaadaaba waa aakhiroo kale'e

Waa laygu eemaray cishqiga inan ku ooyaaye
Allahayow afkaygiyo sidaan aadmiga u eeday
Ahabtaba ma galo ruux hadduu aamin-goys yahaye

Axdigaad ka booddaa janada oodda kaa rogaye
Adigiyo ashahaadaduna waysku Alla seegtaane
Ha u oonsan aakhiro waxaad urursataa yaalle

Previous     Top      Next