Soo Soco
Cilmi Ismail Liibaan "Boodhari", (Ciidagale)

Maansadan Cilmi wuxu tiriyey isagga oo dheelalowsan kadib markii saaxiibadii Muuse iyo Tabaase ay katoosiyeen hurdo. Cilmi markii uu toosay wajigiisa waxaa ka muuqday farxad aanay weligood saaxiibadii ku arag. Muuse iyo Tabaase intay iseegen oo midwaliba dhoola cadeeyey, ayay yidhaahdeen "waar Cilmi saaxib saaka maxaad heshay". Cilmi isagoon uba jeedin saaxiibadi iyo waxay yidhaahden ayuu hareera eeg eegay sidii cidkale hore ula joogtay. Cilmi intuu gogoshii dib ugu jiifsaday ayuu yidhi isagoo ay ka muuqato hungo iyo uqaadan sha waa "ilayn waan riyoonayey". Muuse iyo Tabaase siday jawaab uga filanayeen ayuu maansadan tiriyey.


Ma samaynin waayahan tixdii saaniga ahayde
Waataan ka saahiday tan iyo sebenkii dayreede
xaluun ba saqdii dhexe hurdada wax isalaameene
Aan sifeeyo inantii tiriig saxan la moodaayay
Ilkaa sadaf la moodiyo wajiga lagu saruureeyey
Timaha basari baan subkine saaran garabkeeda
sanka iyo indhaha iyo afka sida sabiibeed ah
Suniyaal madoobey qalbigu saakin kaa noqoye
Soomaali, carab iyo hindiga sooyo laga keenay
Inta sabada joogtiyo khalqiga waad u sidataaye
Soo soco sidciyo qaaliyey saanad baad tahaye



Previous     Top      Next