Jawaabti Samatar
Maxamed Aadan Caws "Yawle", (HY)
Gabaygani wuxuu Jawaab u yahay gabaygii Samatar Baxnaan. Samatar wuxuu gabaygaas kaga jawaabayey gabaygii Yawle e uu Libta HabarJeclo ku tilmaamayey. Yawle wuxuu Samatar (oo faalleeyey rag ka maqnaa reer CAWL) xasuusinayaa dhibaatadii ka soo gaadhay colaadda oo waatii
1. Samatar walaalkii lagu diley dagaalka
2.Samatarna laba xabbadood baa ku dhacay oo midna Il kaga dhacday oo uu beelay midna Xiniin bay kaga dhacday oo waa kan Yawle leh
Maadhiinka nimankii indhaha kugu malloongeeyey
Ee Mawdka kaa dhigay dhulkay manidu kuu jiiftey
Ee Maxamed kaa diley inaad maagto malahayne
Wuxu yidhi Yawle;
Waxa Ciidagale maaggan yahay maalin-guul rara'e
Arab wuxu Masaarre ugu furay waa maroorsadaye
HabarYoonis Miidhiyo Gobley magac ku daaqdaaye
Mahadbaa Ilaah loogu naqay midhaha reer Shiikhe
Haddii labada meelood raggii maqan la faalleeyey
Marna kuma mushaawirin inaad naga macaashteene
Nimankii makalay baannu nahay maqaddimiintiiye
Maadhiinka nimankii indhaha kugu malloongeeyey
Ee Mawdka kaa dhigay dhulkay manidu kuu jiiftey
Ee Maxamed kaa diley inaad maagto malahayne
Adba kuuma muuqdoo la waa malawgi dheeraaye
Ma haddaanu maraynaa ragaan muus ku kala gooyey
Mijirkii Bileyska iyo Jirdaa ii markhaatiyahe.
|