Magac ku dirir
Maxamed Aadan Caws "Yawle" (HY)
Reer Cawl (Muuse Ismail) ayaa kiis lagu yeeshay oo ingiriiskii damcay inuu galo. Nin la odhan jirey Colujoog Qayaadeed oo xajka u socda ayaa baajiyey si uu u daafaco kiiskaa. Gabaygan wuxuu kaga cabanayaa abwaanku Maxamed Colujoog Qayaadeed oo uu hiil ka dabayo sidi aabihiiba yeelay maalintay qadhaadhayd.
Manka Sahal mataanaha Cismaan Madaxda reer Rooble
Nimanyohow magaaliyo miyiba midhaha reer Faarax
Muslin iyo kufriba noo kade oo madhan halkiinniiye
Wixii madi ahaadaaba waa Maxamedoow quuse
Ma magoolo geed keliyahoo milic ku yaallaaye
Inkastoo mayay qooyo waa mudhuxsanaadaaye
Haddii nala makalo oo rasaas nalagu maansheeyo
Miridh naga danbayn maysid iyo maalin gelinkeede
Wallee geela maadhaa ka badan inadan maalayne
Marsa nalagu qalay aabahaa kama maqnaadeene
Mijirkoo damaaciyey inuu maalin nagu duulo
Maka iyo Xajkuu uga hakaday maatadaa dhimanne
Masa inaad tihiinbaan ku wadey maanta ka horowe
Malkadaad fadhidey Jaamacbaa iiga soo mudhaye
Isba magac ku dirirbaa guntigu ugu maleegnaaye
Marka qaarki naaguhuna waa inay masayraane
Mataanaa lugaa iyo gacmuu kalama maarmaane
Mid haddii la jaro teeda kale waa u milishaaye
Muuse Carre iga dooratee magac ha kuu yeelo
|