Keligii Maahayn
Maxamed Aadan Caws "Yalwe" (HY)
Nin la odhan jirey Cabdulaahi maxamuud(Muuse Ismaacili) la odhan jirey ayaa YAWLE ku yidhi "intaad nin kale u gabyayso maxaad nimanka Cabdalle Ismaaciil ee aabahaa Aadan Caws Diley ugu aari weydey". Yawle oo ka jawaabaya arrinkaas wuxu yidhi.
Kulli halaqu xaaraamacune kaal is wada ruubye
Kunbaa lala dilee aabahay keligi maahayne
Kugsi? mudhuxle dibirootigii kiinka gaalada'e
Ma soo Kicin sidii loo kannalay Koofil iyo Giibe
Kala ridannay reerahakanaad igu karaamayne
Iyaguba kildhii iyo ku jabe kodadi ceelkiiye
Cabdalleba waxaa igaga kulul kiiska reer hagare
Ragga kibirka lagu laynayaa igaga kaarweyne
|