Indhabadane
Maxamed Nuur Fadal
Maxamed Nuur Fadal 1930's. Geelii Indha Badane ee Ogaadeen ka dhacay Sacad Muuse ayuu ka tirshey gabaygan isagoo Kenya ku sugnaa abwaanku.
1. Waa lagu dhintaa geel ninkii dhaqo yiidhaahdawe
2. Waa dheeman iyo luul ku jira dhib iyo laystaane
3. Dhayal iyo ciyaar looma helo dhug iyo aar laaye
4. Iyadoo Dhamaysay fadhida dhagaxa guudkiisa
5. Iyadoo dhimbiilaha sare iyo Hawdka kor u dhaaftay
6. Iyadoo xeeryaha looga dhigay qaydka dhiniciisa
7. Iyadoo markaa wada dhashood dhaan la furay moodo
8. Dhufaankeeda iyo aarnaka oo dharabka loolaaya
9. Iyadoo baruur dhaabantay oo kurusku dheeraaday
10. Marku dhalmo kibirkii durduro dhagac ka soo siiyay
11. Ogaadeen intuu dhacay ee u dhaanto daba qaaday
12. oo baarqabkii nirgaha dhalay dhaafi kari waayay
13. Oo dhinac ka eega iyo kalgacal dhuunta ka higooday
14. Dhal jacayl daraadi kolku dhuunta galinaayay
15. Oo micida dhumacsatiyo dhoosha ka ciisiyay
16. Oo doobta lama dhawrsadee galawga dhiileeyay
17. Oo dhibida labadiisa qaar dhiinmay midabkiisu
18. Dhagtoo loo sargooyiyo Dawaad dhuxul la moodaayay
19. Goortu dhareerka iyo xumbada mariyay dheegiisa
20. Isagoo dhinbill raydab iyo dhuuga sare moodo
21. Dhan-u-heegga laafyaha marku dhebel u qaadaayay
22. Dhirifka iyo cadhadii kolku dhiraha laynaayay
23. Oo dhibida dheega iyo kalyaha dhiig iskaga yeelay
24. Waa dhidibka geelee marku dhudi shaxeexaayay
25. Dhangadaha kolki dhabiga madhan dhawda laga saaray
26. Dhawnbirkii Ogaadeen marku dhaanta daba qaaday
27. Ee ololka dhacadiidisaad dhicin lahaydeene
28. Dhar caskii magaalada iyo dilaal dhuuntay baa wadaye
29. Hadii Habar Xabush laga dhaciyo dheega Habar Yoonis
30. Ama dhalantidii Ciidagale lama dhaqaajeene
31. Dhiig cabayadii baan lahayn dhagartu saarnayde
32. Dhurwaaga hilbaha cuni lahaa bil iyo dheeraade
33. Haday dhonbirkoodi sitaan Arab ma dhaafteene
34. Dhiirrida Ayuub kama tagteen sidigta dhaameele
35. Dhamaan Ciise Muusan nin ogi sii dhex mariyeene
36. Idinka marki laydin dhacay soo dhan booqsadaye
37. Waligiinba dhoomaha Isaaq dheg uma noolayne
38. Dhalool yahay dhankiinaa Khaligu iiga soo dhacaye
39. Dhankaad naga xigtaan bay wadnaha dhooli mood ahaye
40. Goormaydin shisheeye iga dhicin ii dhaabacanaaya
41. Dhibid ma laha awrkii yaraan lagu dhufaanaaye
42. Haduun baad dhaar xoog leh iyo dhiiri barateene
43. Irbad dhuub ma galisaan afkuna waa idin dheeryahaye
|