Cabdillaahi MUUSE 
 | 
                                    
                                        Geelaa markuu dararan yahay laba nin duugtaaye 
Wax kaloo la darandoorriyaa damac ma yeeshaane 
 | 
                                    
                                        Naag yahay Dannodbaa u weyn harada Doolloode 
Iyaba waa diqawdaa haddaan la isu diidayne 
 | 
                                    
                                        Doqontii ku yeeshaa wuxuun lagu dabiibaaye 
 | 
                                    
                                        Anigoon ku dirin waadigii damaca waallaaye  
Dayday haddaan kuu fasaxay debed wareeggiiye 
 | 
                                    
                                        Inkastuu dhabcaal gudhan yahay uu dharabo kuu diido 
Isagoo dharaar maqan kuluu dumar wax kuu dhiibo 
Dhanaad uga dhacdaba maal ku xiga waad dhadhamisae 
 | 
                                    
                                        Fidno Eebbahay noo abuur farana noo yeelye 
Nin Fallaago doontaaba waa Finish garoobaaye 
 | 
                                    
                                        Cabdi "Gahayr" 
 | 
                                    
                                        Qabiiligu ha loollamo sidii laba quruumoode 
Qabno iyo laxaad lama gudbanid qaranka daa'uude 
Sidii Eebbahay kuu qadshaan kaaga qaanacaye 
 | 
                                    
                                        Waxa qiimigiinnii beddeley waa qadoodiga'e 
Qiyaamii ifkuu idinku helay qiranna maysaane 
 | 
                                    
                                        Dagaalkii Jidbaaleba ninkaa joogay baan ahaye 
Weligeyba meel lagu jabaan jiqilla weynaaye 
Ilaahay i jecelaa muxuu jirey arwaaxayga 
 | 
                                    
                                        Layliguba geediga horuu laban lagdoodaaye  
Kolse hadii hayaan loo lalabo leexay dabadeede  
Laf-dhan jananka diidaa xabsiguu liinta ku cabaaye  
Rabbaw yaa dantaa luud yidhaa loox yaraa tahaye 
 | 
                                    
                                        Lix kun iyo lix boqol iyo lixdaan laabta ku hayaaye 
Lixdan baan jiraa yaan indhaha laydhi kaa marine 
 | 
                                    
                                        Geeluba Ugaasooy hadduu ayda miranaayo 
Abeerkiisa naaxiyo hadduu aaranku is waayo 
Isaguba ma kala aamusee waysu ololaaye 
 | 
                                    
                                        Nin qatani nin qada haysta waa inu ka qaadaaye 
Qasnadaha harraatiya wuxuunbaa ka soo qubanne 
 | 
                                    
                                        Dabbaal niman aqoon ceel dad-liqi wa digsiin jiraye 
Maantana dugaaggii miyaa dacawadii laayey 
 | 
                                    
                                        Maxamuud Qaloonbi 
 | 
                                    
                                        Waxan ahay nin guna ooy nin goba gacal wadaagaane 
Geed-geed ku maran baan ahiyo lama garaacaane 
 | 
                                    
                                        Haween lacag ma diidaan haddii hoo la leeyahaye 
 | 
                                    
                                        Guuleed Dhoolla-Yare 
 | 
                                    
                                        Waqtigay hayee jadamiyoow kuma wareersheene 
Walaal kuma idhaahdeen intaan wiiqa soo dhigo'e 
 | 
                                    
                                        Saalax Lay-Diray 
 | 
                                    
                                        Allahayoow muxuu Ferenjigii nacas fariideeyey 
Nimaan aabihiis fuuli jirin Faras muxuu saaray 
 | 
                                    
                                        Cismaan Indhoole 
 | 
                                    
                                        Bal Ogoow addoomaha ilaah kala ayaan roone 
Sida adhiigu Geela iyo Fardaha uga itaal liito 
Ama Gubanku Oogada ka yahay adhaxda jiilaalka 
Annaga Eebahay naga koryeel uumiyaa kale'e 
 | 
                                    
                                        Dirir Warsame 
 | 
                                    
                                        Madi cararta maqasheeda koris minawsan baa dhaanta 
Xididkii an maamuus lahayn malihi baa dhaanta 
Marwo Camal xun Maangaab ninkeed maqasha baa dhaanta 
Muslinnimo ninkaan kuula socon muumminnimo khaasa 
Gaal maxasta kuu dhawra ood magansataa dhaama 
 | 
                                    
                                        Nuur-jiir Xirsi Faarax (Og) 
 | 
                                    
                                        Ninkii Faro yaraan igu tuhmay talo ka hoostaaye 
Libaaxuba Dhurwaa Toban kunuu Tulud ka qaadaaye 
Ma ragbaa la tiriyaa hadduu toban wax dheeraado 
 | 
                                    
                                        Aadan Carab 
 | 
                                    
                                        Ha karaama seegina habaar laygu kari waaye 
 | 
                                    
                                        Maxamed Mooge Liibaan 
 | 
                                    
                                        Waxan ahay nin waayaha adduun wax uga nuuraane 
 Waxyi iguma soo dego haddana wax ima seegaane 
 | 
                                    
                                        Qamaan BULXAN 
 | 
                                    
                                        Baadida nibaa kua deydeyi daalna kaa badine 
Oon doonahayn inad heshana daa'in abidkaaye 
Dadkuna moodi duul wada dhashoon wax u dahsoonayne 
Dalla malaha aakharo haddii loo kitaab dayo'e 
 | 
                                    
                                        Daabaca ninkii kugu dhuftee daabka kuu celiya 
Iyo kii duleedsheey ku yidhi wax isma doorshaane 
 | 
                                    
                                        Inantii ganbada loo xidhee gacanta loo maydhay 
Ee gelisey meeshii hadana gabaygu sow maaha 
 | 
                                    
                                        Ismail Mire 
 | 
                                    
                                        Ragoow Kibirka waa lagu kufaa kaa ha la ogaado 
 | 
                                    
                                        CALI DHUUX 
 | 
                                    
                                        Doqonkii Ogaadeen ahaa Doollo laga qaadye 
 | 
                                    
                                        Haddii dherer wax taro naagahaa dhicin lahaa geele 
Ayaba aabahoodoo dhintay dhaxal ka waayaane 
 | 
                                    
                                        Allaahu Akbar eedaanku waa kaa afkiyo beene 
Ashahaaday gaalkubase waa ehelu naarkiiye 
 | 
                                    
                                        Waa lagu digtaa ruux hadduu kuu darraan jiraye 
Bal dayaay wadaadkii wakaas sii dabayshadaye 
 |