Ustarali /Gahayr/Tarabbi
Cumar Xuseen "Usteeli"(HA)
Cumar Useeli(Australi) waa abwaannada murtida soomalida lagu majeerto ee maansadiisa madal kasta lagaga haasaawo.
Cumar wuxu caan ku ahaa Maansada Geela oo uu ku xeel-dheeraaday kana galay kaalin hormuudnimo. Waa Geesigii abwaanka ahaa ee lahaa
Ragga Laxaha sii dhawrayoow dhaqasho waa geele
Abwaanka, Ilaah ha u naxariistee waxay isu gabyeen rag dhawr ah oo ay ka mid ahaayeen Xasan Tarabi iyo Cabdi Gahaydh oo labaduba Ciidagale ahaa.
Tixahan aan dhammayn waxay ka mid ahaayeen gabayo dhawr ah oo ay is dhaafsadeen abwaanadaasu anagoo idinka codsanayna inaad noo soo tebisaan gabayada oo dhan.
waxaana bilaabay silsiladan ninka la odhan jiray Cabdi gahayr waxaa uu arkay geel niman sacad muusa ahi ay leeyihiin oo la yidhaado hadhiye cismaan oo ka soo xagaa baxay xeebta nimankaas hadhiye cismaan oo soo dagay banka Qool-Caday wuxuu ku yidhi Cabdi Gahayr oo hunguri ka galay geelaasi
Sidii aar hilbii laga kacshay oon weli hamuun goynin
Waayadan higgaa igu go,doo waan hamaansadaye
Haab haabashaan ahay waxaaan heli se mooyaane
Geelaa hudheelluhu watee hadhiye maalaayo
Hawl laawahaasaan arkaye ma hunguroodeene
Iyadoo hirkaa iyo hirkaa halab ka reemaysa
Iyadoo haleeliyo hor weyn wada hillaacaysa
Hayb yeelataba xerada waan ku hubsan dooneeye
Habar.yoonis iyo ciidagale labada haamoodba
Halkanay ka dhawdee tolkay wey hagranayaane
wuxuu ku jawaabay cumar xuseen tix aan ka hayno
geelaa horaadada fidshay ee hadhiye maalaayo
habaryoonis iyo ciidagale labada haamoodba
halyeeygii ducaaliyo xirsaa ugu hanweynaaye
hadhgalaybaa laga diray heeshigaa dhalaye
abidkiinba kuma hiil baxdaan halaca maadhiine
huwanbaan ogaa oo dagaal kuma hagaagtaane
hawhawda iyo faanku waa himiladiinii
ana hawlle iigama duwana hurinta daa'uude
hitlarbaad ismoodaan markaad halaha maashaane
abtiyaal waxaanaydaan helayn ha isku hiifina
halba aniga oo nin u dilay oo habelna dheeraaday
waydinkoo habeenkoo madow danood soo hitiqiseene.
Wakhtiga uu gabaygan tirinayey Cabdi waxay ahayd wakhti aad u xun oo la gumeeyey dadka soomaaliyeed meelkasta ha joogeene. Ingiriisku wuu ka qaaday dadka hubkuu noockastaba. Xasan_tarabi oo isagu dareensanaa ayaa Cabdi gabay canaan ah uugu jawaabay. Gabaygan waxan ka qoray oday 80 jir ah oo ma dhibaan ah oo la kulmay Cabdigahar,waxaanu ii sheegay inuu gabaygani kala dhiman yahay. Waxa laga sheegay Cabdigahar inuu yidhi waxan ku quustay tix gabayga Xasan Tarabi ka mida oo odhanaysa:
"Heeraaga aar ihi hadduu hilib u gaajoodo
Muska ku hakan maayee hadday ooddu hanan weydo
Hal uu dilay hangool lagu dhuftuu kaga hagaagaaye"
Waakan gabaygii Xasan Tarabi:
Cabdiyoow waxaad heli kartaa la hungureeyaaye
Adigoon waxababa hayninbaad hurisay duulaane
Cirkaad haabo leedahay adoon hadal la gaadhayne
Hanti kaa yaraataad istidhi buuxso haamaha,e
Talo waxay hagaagtaa markii la hojiyaa wiige
Mar hadii horuun loo dhufsado waa hogaan go,aye
Kaa hiilin maayee naftaad hawl is leedahaye
Hadimaa tolkaa kugu qabaa taadu waa hadure
Habar-yoonis iyo Ciidagale laguma hawshoone
Hubka tiisha uunbaa la yidhi herer ragii yiille
Hoggaanbaaba lagu soo wadaa Habar-xabuusheede
Halyeyguu dhalay keeno-diid Hobayo loo diidye
Nimankii fardaha hayn jirayio Hagarna caydhowye
Aduunbaa hawoodaye dadkii hilin la qaadsiiye
Nimankii hagoognaa qab waa lala hallaabaaye
Baxawaadle hoobaan wardheer ugama heesaane
Kayntii hareeriga lahayd lagu heshiin waaye
Hawiyiyo axmaar baysku dilay haradii doolloode
Haadkaasi wuxu boobayaa hilibkii gaalkiiye
Aduunbaa hawoodaye dadkii hilin la qaadsiiye
Waxa hudheeladii laga dhigaa haartii Dhagaxbuure
Hayiinkii la dhaanshiyo kolkii haantii laga qaaday
Hidin waaye reer Cali inay dirir u haartaane
Aduubbaa hawoodaye dadkii hilin la qaadsiiye
Heeraaga aarihi hadduu hilib u gaajoodo
Muska ku hakanmaayee hadday ooddu hanan weydo
Hal uu dilay hangool lagu dhuftuu kaga hagaagaaye
----------ma dham----ma saxna
|