Tafaraaruq
Jaamac Axmed Jaamac "Gacmadhere" (HJ):
Tafaraaruq;
Tixdan oo aan dhammayni waxay ka mid tahay suugaantii uu ku diidanaa abwaanku nidaamkii Musuqmaasuqa Khayrse kama danbayne Ninaan weligii daar uu dunsho mooyee daar dhisin baa uga danbeeyey.
Haddii shicibku Calankuu tabcaday loogu tudhi waayo
Tis dhan oo qabyaalada haddii tuurta lagu qaado
Maantana Taleex iyo haddii Toommo laga muujey
Taariikhihii Karal haddii taabka lagu haysto
Tol-maroorsi xaajada haddii nala taraarsiiyey
Taajkii yimaaddaba hadday Toban ku saaxiibto
Tafaraaruqii hore haddii ay tanina noo raacdo
Idinkuna tigaaddiyo nimacada taransan maysaane
Tambareeri uunbaydin noqon tiriyey shaashkiiye
Haddaan laga tanaasulin Jarkaa nalagu taaraayo
Tallahaan ku dhaartaye inay tegi sidii Koongo
|