Ballan
Jaamac Axmed Jaamac "Gacmadhere" (HJ):
Ballan, (1961);
Inqilaabkii Saraakiishii Woqooyigu isku dayeen horraantii lixdankii ayaa abwaanku ka gabyey. Laba nin oo Saraakiisha boliiska ah baa u yimid Jaamac oo xabsiga dhigay iyadoo loo geystey jidh-dil iyo hanjabaad.
In yaroo shacbiga beeraya iyo Boqol nin mooyaane
Nimanyohow Boliis eedda waw beretameysaane
Wax Barmoosin lagu doonayaa baanisiyo maage
Hadba kii ba'naanta u kacaad ugu bogaysaane
Baarlamaanka laga qayliyaad baydh dul mariseene
Bustaa lagu dedaayiyo gacmaha biica lagu gooyey
Hadba kii isugu baaqaya baad booca jebisaane
Berrito iyo shaliyo maanta, midba waa baabe
Waagii beryaba kii horaad barasha dhaantaaye
Midabkaa Balaaga i hodey ee kuma bariidsheene
Idinkiyo Biriiddaaniya baa beel isku ahaaye
Biite iyo ninkii James baad bah isku raacdeene
Qoladaan beddelay baad tihiin baaqigii hadhaye
Billaddiyo Garoomaha ku tolan baaddilkiyo guudka
Baaburka land-Roofalka ee baaska kugu dhaafa
Bangalooyinkaa lagu gam'iyo beerta ku hor taalla
Berkaddiyo Biyaha shalalaxliyo bath-ka lagu maydho
Bayga iyo Direyska iyo hubkaad bilicda yaabayso
Calankaa Buluug doogada ee biligle guudkayga
Anigaa Bardaladdaas tabcee hayska kay burinne
Nimankaa bursiimada Libaax badh iyo waax siiyey
Booskii yimaaddaba kuwii aan ugu bushaareeyey
Hadduunbay Budhkiyo ii sitaan baalcaddow Warane
Anigoo bukaan qaba ninkii badhaxa ii keenay
Iyo kii i baal maray intuu bagana ii raacshey
Iyo kaan ba'naan ii lahaan Baanena i siinnin
Haddii aan bogsado maalintaan bogi abaalkooda
Ninba Baanka wuxuu sii dhigtuu kala baxaayaaye
Billaahaan ku dhaartee ragbaan Bawlad ku lahayne
Ballantaasu goortay ahaanna beri danbaan sheegi
|