Waano
Jaamac Axmed Jaamac "Gacmadhere" (HJ):
Waano (1965);
Faduul gabaygu iigama tagiyo faan ku socodsiiye
Meel ay ka fiigtey baan sidii Fiqi istaagaaye
An fasiro murtida fiican waad iga filayseene
Fadkoo hooray roobkoo arlada lagu fillaysiiyey
Dhirtoo faraqle geedaha dhulko firidhku soo yaacay
Daadkoo fatahay Jeexyada oo Farawgu dhaabmaayo
Fannigii kastaba xoolaha oo fiito ku ekaaday
Faraskiyo lo'diyo Geela, iyo adhiga kuu foofa
Lacag foonsan daar Fooqyo leh oo Form ku soconayo
Anigana Falaagga oo qudha baa iiga farax weyne
Waxaan faraca diineed ahayn igala fiicnaaye
Ninkii front-ka galayoow wixii kugu habboon fiiri
Kii lagaga Fawsoow waxaad filatay haw qaylin
Kii meel fadhiistoow shicbiga ha iska fiindhaynin
Kuu fuudhadh yeeshoow inaad furatay hays moodin
Kii Jago Fakaansiya heloow hays fad-qalalaynin
Kaan nagu fillaynoow adoo dhacay ku sii faasho
Nin adduunki fara leeyahoow feebarka ha diidin
Nin Faqiirahoow Sabir Ilaah ferejki baa dhaw'e
Nin Furaash ku seexdoow nabsiga haysu fududaynin
Nin Qabiil ku faanoow kan kale ficilka haw muujin
Nin faseexiyoow hadal markaad farac u doodayso
Nin fidmow guntadayoow arrini filiqtankaa maaha
Nin walaalki faallaynayoow yay fashilin taadu
Ninkii laga fajacayoow waxaad fali lahayd jooji
Milateriga Force-ka u baxoow ficilka nooleeya
Fadhadhlaa Police-kow ka dega faraska leeddaa ah
Fad hadduu onkodo reer miyoow haysku fara saarin
Nimanyohow Tijaarada furtaa yuu fasidin iibku
Fiqigiyo wadaadkoow ka taga faq iyo laaluushka
Odayada Shaxda u fooraroow foodda kor u qaada
Hablayohow maryaha Fooddadiyo faydashada jooja
Innamada filkiinnaa danboowna fiid-baxsiga daaya
Diintaa Furqaan iyo wixii Farad ah xoog yeela
Fadlibaa Ilaah laga helaa fala midkii khayr ah
Fadxi baa innoo soo socdee farax ku naallooda.
|