Af Kala Qaad
Ismaciil Xayd Xirsi "Aflow" (HA)
Af-Kala-Qaad.
Cabdi Gahayr iyo Camanje ayaa isu gabyey markaasaa Camanje tirshey gabay hal-xidhaale ah. Cabdi Gahayr uma jawaabine wuxu yidhi ninku aakharuu ka gabayey oo anigu u gabyi maayo.
Ismaaciil Xayd Xirsi oo Berri-Carab ku maqan ayaa loo sheegay oo la yidhi nin Camanje la yidhaahdaa soo baxay. Gabay dheerbuu soo diray oo laga hayo;
Haddii Wiil Sinsaara u duwa oo Sikhina loo waayey
Anigaa sibsibadaw? biyeyn oo waa saqiir dhalahe
Igu sima anigaa Caabbiyoow la ila sugayaaye
Iskana seexda Suuqii halkiyo Saadanbaan imanne
Camanje intuu iska tegey buu yidhi;
Wallee kuguma sugo saaxiryohow Seyladdii Herere.
Gabayganuu markaas u tiriyey ninkaas. Gabaygan intiisa danbe ayaa nin arab ah (Xaaji Cali Geelle) lagu sheegaa inuu tiriyey balse culimada Suugaantu Xagga Afloow bay u badiyaan Allaase naga og.
Abasguul Isaaq inaan la simo igama eegtaane
Aanada rag kale haw dhintee eray kalaan baanay
Hadday Ayra Geel kuu dhashood waaya badan eegto
Uumiga Kaliileed hadday Aammineey curato
Oo ibaha Naasaha la jaro waa af-kala-qaad
Markabkoo Alleyl dhacay hadduu Shooladda afuufo
Eglan iyo Walaa buu maraa Toban ayaamoodee
Kol haddii Ingiinku u fakado waa Af-kala-qaad
Nin Makhaaxi iibsadey haddii loogu iman waayo
Goortii Albaabada la xidho waa af-kala-qaad
Afar Boqol ka badan maansadaan uurka ku hayaaye
Isaaq iyo Ugaadeen haddii laysu soo urursho
Ninka amiga maahee gabyaa waa af-kala-qaad
Awr badan Waraabuhu hadduu waa Ajale laayo
Ma uu aamusnaado ee kolkuu uubatada qaado
Kolka Aarka weyni u yimaad waa af-kala-qaad
Waataan Ugaadeen noqdaa ahabta diidaaye
Waataan Ingoonliyo Habaas kala afuufaaye
Waataan Awaaraha Badhyaha dibugu aastaaye
Waataan sidii Eey anbaday Ila ka yeedhaaye
Waataan Aduunkoon la dhicin ka arradnaadaaye
Waataan Agoon xoolaheed ku intifaacaaye
Abtirsiinyo waataan Hartiga uga ekaadaaye
Araddayda waatay dhashaa inan Mareexaane
|