Laguma Weydiin
Ismaciil Xayd Xirsi "Aflow" (HA)
Beela Ciidagale ah ayaa ogaadeen dhuunta u galay. Berigii Danbe ayay inta beelo firxada ka daba tageen ayaa ninba waa maaline laga gol roonaaday. Nin Deyl Yogol la odhan jirey oo Abssame ahaa ayaa gabyey oo yidhi Isagoo ciidagale ku diganaya Ismaaciilna la hadlaya.
Ismaaciil Xayoow laba halaan xalay ku taawooday
Waagaad xaggiinnaa u kici xaraf an kuu sheego
Xubbina iiga qaad tahaydu waa sida xariireede
Sow kama xog-haysaan kuwii xuurta la cunsiiyey
Sow kama xog haysaan kuwii Xaraf u daaduumay
Sow kama xog haysaan kuwii Faras xabbaadhaayey
Seeddoow haddaan lays xasdeyn xoon gobaan nahaye
Anagaase libintii Xignee xuuxda naga daaya.
Ismaaciil Xayd Xirsi "Aflow" waxay la noqotay inuu gabaygaas ka jawaabo wuxuuna tirshey tixdan;
Deyloow wanaagsane haddaan weedh yar kuu celiyo
Inta Gabayga Waadhoolisa yaan waaridkeed ahaye
Waxoogaa yar lama Laaqiyo ee waan warwariyaaye
Anigu weedha waan daalacdaa sida wadaadaaye
War biyo leh sidaad dadkuba uga Wiyeertaaye
Waanjuu haddii Ceel la daro Wiig ma madhiyeene
Waraabuu hadduu Neef la dhaco waa Winjiiriyiye
Waxna ma taro dharaartay xabbadi daba warraaqdaaye
Wadartii la jaray Ciidagale laguma weydiinne
Halihii wadeecada ku galay laguma weydiinne
Nimankii Amxaaruhu Wanjalay laguma weydiinne
Habrahaydun Waajuuciseen laguma weydiinne
Kolkii reer Wacays lagu wab yidhi waaga berigiisa
Iyaba waa walaalkiin haddaad u welweleysaane
Waasaca Bullaale iyo halkiyo Waraqa Hooyaale
Weelkooda reerihi la qubay Ala miyaa weertay
Wedkiinuba qariib inuu yahaan kuu warramayaaye
Wadaadadan gaboobiyo Hablahan waa walbaba ooyi
Haddaan Wariiddadoodii la layn Ma aanay Weerteene
Waab-Cawska naagaha galaa ma iyagaa waalan
Mise idinka Wiilkii la dilo Waxar yar baa dhaama
Waleensina u guura oo Ratiga Weelka lagu qaadye
Waabayda kuu qooshan iyo waxa laguu doonay
Waxyar i dhawr waraqbaa la diri wiiggan dabadeede
Colaadaasi waa sii socotey waata marka Danbe Ciidagale inta libaystaan uu Qawdhan ka gabyayo dagaalkaas.
|