Toban Umuurood
Raage Ugaas, (Og)
Xalay waxaa isniintii i helay Toban umuuroode
Asal gama'na ways idhi hurdana uurka kama seexan
Indhahana ma kala qaadin aragna way ii muuqday
Afka kaman dhawaaqaynn hadana aamus ma an yeelan
Ogaan umma qoslahayn hadana iligyadey muuqday
Aradkana dad kumma weheshan uruna waan joogay
Albaabada dibada aan ka iil aqalna waan jiifay
Istanbuuli cadar layma marin udugna way daaray
Oon baa i dilay oo biyaan ku ag wareegaayey
Onkod iyo hilaac roobna waa nagu itaaleeyey
Ufo dhibicdu may wadin hadana ooduhuu lulayey
Awaartii ma nabbin hadana wuu anfacay kaynta
Anfariir xaluunbaan hurdada oog la soo kacaye
Illinkaan talaabada ku waday aabaarahaye
Meeshaan abaarada ku tago aakhir bal aan eego
|