Jawaabtii Khaliif
Maxamed Dheeg (Idagale)
Gabaygan wuxu abwaanku uga jawaabayey nin Majeerteen ahaa oo gabay uu ku caayayo Soomali oo dhan soo tirshey. Ninkaas dhawr nin oo aan is ogeyn baa u gabyey waxana ka mid ahaa Maxamed Dheeg oo gabaygan aanan wada hayn tirshey.
Wuxu yidhi Maxamed Dheeg; (Gabaygu ma dhamma)
Murtida iyo macnaha gabayga iyo muunaddiyo luuqda
Waa martabad saroon uumiyaha Mawle wada siinne
Mulki kaleba soomaaliyeey waa ku murannaaye
Maansiyo kolkay gabay tihiyo midha la luuqeeyo
Sow Miidhayadan reer Isaaq lama mihiibsiinnin
Mankiisiyo Mullaax iyo Laf iyo gabay macaankiisa
Macdantiisi sow Eebahay naguma soo meerin
Milgaa hadalku lee yahay haddii maalin nala siiyey
Uma mumo nin murudkii hadhiyo moodki xaabsadaye
Majeerteen ha noo soo tirsheen maansa-Boolida'e
Iyagoon malcaamado u gelin miinkiyo hingaada
Oon Macallin wax u sheegin bay mus isku qaadaane
Dar maqiiqayoon u hubsan bay eedday maansaduye
Murtidiyo Af Soomaaligii waad ka madhantiine
Nin Mallaay ku koray baan xikmada miiqna loo darine
Haddaan lays makeekiyin xaqana laga mildhaawaynin
Murti gabay ugaadeenka waysugu majiibnaaye
Maandhoow Dhulmahantahana ways midha naqaanaaye
Warsangelina marar waa tirshaa maanso loo boga'e
Midna ma tihid saddexdii qolee loo malayn jiraye
Maandhoow Khaliif gabaygi wuu kaa maroorsamaye
Mid horoon ogaa iyo kaniba way kaa memelanyiine
.....
...
..
|