Cali C Afyare
Cali Cilmi Afyare, (MJ)
Sinji adag haddii uunan laheyn, salu ma dhacarteene
Sarriid buu ku diganahaa, sulux ma dhiiqdeene
Waxa suuradaha lagu darey, waa si gooniyahe
Sinnaantiisa lama gaadhi karo, Saatirkaa yidhiye
Sumaale iy Habeediyo , kolkey sudhuu ku ekaato
Sanqaraar udgoonow , haddii salowgii kuu yeedho
Sodon meyl(mile) marku kuu jiraad , saxsaxootaye
Sabaad iyo wuxuu kuu noqda cadarka Soodaane
|