Gelbis
Cali Xasan Roodhiile "Banfas", (HA)
Gabaygan wuxu abwaanku ugaga hadlaya guurka somalida
qiimaha iyo qaayaha uu leeyahay. Dhammaan dadkii gabayaaga ahaa
ee ka soo qayb qaatay, Xasan Cali waxa uu helay qabta
koobaad.
Marbaa geeddi loo rari abaar geli habaas wayne
Mid halkuu gu'gii degay mid kale dayrta gelayaaye
Danuun ceel la fuuqsaday mid kale daba-galshaystaane
Hadba tuu Ilaah ku gallado gabadhi weeyaane
Nin kastaa midduu gaasiroo galab la haasaawo
Niyaddiisu ay goy ku tidhi gooh la ladi waayey
Guurkeennu waa laba dariiq oo isgarab yaalle
Waa gabadh la qaadiyo miday guurti bixisaaye
Gar cadaawe maahee shir waa gogol-dhiggiisiiye
Gadhwayntaba gadhwayn kale ayaa laga hor geeyaaye
Golo-baanistay heeti wali gaafo hadashaaye
Oo niman ku geeraarayaa gabay ku sheegaane
Geel kagama joogsado ninkii caashaqeed galaye
Waayeel gadaal dhowrayaan garab ku siinayne
Hadday lexajecladu gees tahoo lays afgaran waayo
Ama gabadh ka wayn lagu xidhay gaban horaan siiyey
Oo gabadhu way doonnan tahay gowska ku adkaysto
Ama xeer guyaal hore taxnaa loo gu' tirinaayo
Garta lagu xabaashoo halkaa lays girgirin waayo
Inankii gabniin iyo xanuun laba gar daymooda
Inantiina goob kale ayay gaydha la qabtaaye
Kala-gurashadoodiyo faqay gees ka garataaye
Markii uu waxgaradkii hadlee talo go'aan joogto
Inta goonni loo kala baxaa lays gun xaadhaaye
Garowshiinyo la iskula noqdaa godob la baajaaye
Soomaali waa gibin ciddii dhaqan ku gaadhaaye
Ducadiyo gabbaatiga markii la isku gacan qaado
Inankii guddoonsaday xilayn guudka la saarye
Waa gob iyo xaalkeed inay gabadha hooyaane
Soddohdiina guubaabaday dumarka gaadhsiine
Goddolooladaa laga jiraa gacalku taageerye
Maro gooddi dheeriyo xariir lagu guddoomaayo
Subaggeenii guuyada iniin ugu galaallaaye
Gadaal iyo hor baa laga maraa labada goonyoode
Gaban loo xambaarshaa markaa lagu gardaadshaaye
Gelbis iyo damaashaad aroos loo gimaamadiye
Gijiyaye middii kalaan idin garwaaqsiine
Gabadhii la qaadana haddaan idin garwaaqsiine
Hadduu guuyo badan waayo oo goosan kari waayo
Gigligiyo gammaankoo lammadan golaha keenaynin
Yaradkuu ku gabangaabsadaa geed-fadhiisiga'e
Kiiyoo fay-gamuurtii sitiyo laba go'oo maydhan
dabadeed isgaafgaafayoo ganafka taagaaya
Gaashaanka iyo toorrida iyo gamas intuu qaato
Geyiguu ka soo xulan midday gobo'du saarnayde
Gadhka Saylac Geeska bariyo Gaarisiyo Faafan
Haddii aan Galbeed uga rogoon Harar ku gaadhsiiyo
Gadh ilaa gadaankaa ayuu gaadhka soo marine
Haddii guuto loo wada degiyo jeesas kala gaara
Gabbal kama tegaayoo dhulkuu galalafaayaaye
Sidii gaaddo waynoo libaax guura hableeyaaye
Hadduu gego bannaan kula kulmiyo garangar hoosteeda
Wuxuu gacanta soo qabanayaa tima Gammaanleeye
Marka ay la garatay dharkiyo guran hugeediiye
Gaagaabsi baa loo dusaa gaatin caradeede
Gigta jaanta bay dhowrayaan geelu yuu didine
Geh! hadduu yidhaa ruux qufacay way gabbanayaane
Muska giringirtiisiyo hadhkay gudub u raacaane
Raadkooday gadayaan hadhow yaan la soo gurine
Kayn laba markii laga gudbee gaydhu kaba duusho
Gucle orod ayaa la holladaa amase gooshaashe
Gelin reerka laga jiifay bay socod gelaayaane
Geshigaa ninkii lagala tegay raacdo wuu geliye
Goor ay noqotaba dayn baa ku maqan waase gudayaaye
Geli owdan geedo isku baxay webiyo gaafkooda
Garbada iyo xeeliga yaxaas gacanka soo raacay
Jeertuna gedoodayso oy gurayso raadkooda
Weyil gees leh, gaatame biciid goray hadaafaaya
Goodir xaradh leh doofaarradoo garab ka daaqaaya
Qarandida gunlaynaysa ee garab u rooraysa
Gantaashiyo qodxaanyada dhiddaa gaar u fidhimaystay
Coofaadhka gaagaabsadee guladka buuraaya
Gurdanka iyo qoobkaba dhirtoo wada giriiraysa
Maroodiga dhex-gaardiya iyo goosha iyo aarka
Shabeel giir leh gunufaa dhurwaa haramcad guuxaaya
Golli dawaco weer gaaban iyo dhidar gamaamaysan
Guduudane cas iyo guluf guuto Amayaal ah
Mas gurguurtaa good iyo abees gulungulcaynaaya
Godka halaqa goodaaddo bahalo guuraaya
Raq gaylaansan haad soo geb yidhi gaydhankiyo boodhka
Gorgor kacaya guumaysta iyo salamadh geesaas ah
Xoor guluuban geedaha saroo guudka kaga jooga
Gocondhada iswada haystiyo mici gamaarrayda
|