Lagu malayn maayo
Cabdi Gahayr (Ciidagale)
Fadlan soo dhammaystir gabaygan;
Marwo waxay xishootaba hadii maranti loo keeno
Ninkeedii mudnaa iyo hadii maalki lala yeesho
Saw inay masayr waalantahay lagu malayn maayo
Hadii culimo maalkeed la dhaco magane sheekhaasha
Saw inay marraha soo akhriyi lagu malaynmaayo
Anna waxan maqnaadaba hadaan col u maqaameeyo
Saw inaan horweyn xero ka madhin lagu malayn maayo
|