An Xadreeyo
Cabdi Gahayr, (Idagale)
Geelii xayaabliyo la baray xidhadhka mooyaale
Kol hadaan xudhuun daaq ka dhigay xagagunkii Goole
Kol hadii waraaqaha xadidan xabashi loo geeyey
Kol hadii xafiisyada arjiga lagula xayraamay
Kol hadii bariis xoog malee lay xamili waayey
Kol hadaan xukumay beeruhuu xulayey danyeerku
Kol hadaan xabaala cas ka dhigay xaafadii kibirtay
Kol hadaan Xayiyo Guud cadoo xay la arkaynin
Aan xadreeyo caawey murtidu xiiso leedahaye
|