Taarbaa gabaha iigu xidhan
Maxamuud Jaamac "Daallin"
Gabaygan oo daba joogey kiisii Ra'leyda ahaa ee uu isku sifaynayey abwaanku wuxu kaga jaawabay suaalo dhawr ah oo laga weydiiyey da'diisa iyo xasuustiisa dheeraadka ah ee Eebbe ugu deeqay ;
Wuxu yidhi Maxamuud Daallin (Alle ha u naxariistee)
Garoowiyo Taleex iyo Nugaal godammadi Tuuyo
Gelimeys arliga uu degiyo gaanka Ba Xawaadle
Waxa webiga guud jooga yaan gelin ogaadaaye
Taar baa garbaa iigu xidhan goor iyo ayaane
Guuguulahaa duulayaan gacal waraystaaye
Waxa bahal galaayuusayaan garan afkoodiiye
Galawgiyo jinkaa ii warama gaar habeennimoe
Gudcur dama alalylkii ninkii gegi ku kaajaaya
EE geli cidla ah moodayoow geeshash bay tuban
Gaadh aan ilaalo u diraa geed ku hoos jirae
Goonyaha ragbaa kaa fadhiya aadan garanayne
iminkaanse gaboobiyo anoo gabanahoo wiila
Allahayoow af ceeb galay maxaan gibil madow saaray
Oo sidi ganboba niman ogeyn gudub ka weydaartey
Isna uu ku garan maayo yidhi waw garaad xumo'e
Ninkiise garan baa garanayee gedef ha saarraado
|