Faarax Nuur
Tixdan wuxuu abwaanku tirshey markii dalka Soomaaliyeed ay soo galeenoo ay qaybsadeen gumaystayaashii Ingiriiska, Faransiiska, Talyaaniga iyo Amxaaro oo la mabda' ahayd.
Wuxu Yidhi Faarax Nuur Alla ha u naxariistee.
Ingiriis Axmaariyo Talyaani, wey akeekamiye
Arligaa la kala boobayaa nin u itaal roone
Anse ila ah aakhiro Sabaan iligyadiisiiye
Orgigaag riyaha taadaxoo oodda faaliga e
Waa duni hablihii loo ogaa aqalka diideene
Anse ila ah aakhiro sabaan iligyadiisiiye
Waa duni la kala iibsaday oon nala ogeysiine
Waa duni ninkaad aamintaa kuu abeeys yahaye
Anse ila ah aakhiro sabaan iligyadiisiiye
Waa duni xaqii la arkayaa la arjumayaaye
Waa duni Akhyaartii lahayd iib ku doon tahaye
Anse ila ah aakhiro sabaan iligyadiisiiye
Afka iyo adduunkaa hadloo oodna sadarkiiye
Ninka gacanta midig oodan tahay laga ilroonaaye
Anse ila ah aakhiro sabaan iligyadiisiiye
Nimanyahow bal daya xaajada lala aguugaayo
Odayaashan loo yeedhay ee la anfac siinaayo
Asaxaabihii bayna yidhi gaal ha aaminine
Haddaa niman Islaamiyo tihiin aadan ubadkisa
oydaan Ilaahay ka go'in hayna oodin.
|