Abtirsiino
Jamac Axmed Jama "Gacmadhere" (HJ)
Giin, (1960)
Abtirsiinyo guudnimo haddii la isu geed xaadhto
Gobta rer isaaaq baan ahay iyo gaanka xoogga lehe
Haday qoloba gooni u baxdo oon gaar u kala qaado
Muusaha garkaa bari degee guro fog baan sheegtay
Reer Maxamedkaa Geela leh ee gudub degaan sheegtay
Samanaha xarrago gaanbiyee lagu gartaan sheegtay
Guurtida Sanbuur iyo Cimraan lagu go'aan sheegtay
Toljeclaha galbeed naga xigee gobolkayaan sheegtay
Cumarkaa gardaafo iyo maag wax u galaan sheegtay
geyigaa la kala leeyahee guri san baan sheegtay
Kaymaha Gulaanka leh, Saraar gumucyadaan sheegtay
Gooddiga Darmaa leh iyo Nugaal Galaxyadaan sheegtay
Geeddiga Hayaanka ah Xadkoo laga gudbaan sheegtay
Ganuunaha Biyaha Ceelashoo godob la' baan sheegatay
idaha guuna geel iyo lo' iyo gini casban sheegtay
sengayaal gaadda weyn iyo Darmaan garabsataan sheegtay
Daaraha Garoommada bannaan lagu gudbaan sheegtay
Mishigaanka guuxa iyoMadfaca lagu gubtaan sheegtay
Kumanyaal Garaad iyo Cuqaal gar u baxaan sheegtay
Kumanyaal gadhle ah oo dagaalka is gurtaan sheegtay
Gas-ku-jire gurbood soo socdoo gaban yaraan sheegtay
Ooryaha la Gaatto iyo Hablaha gololadaan sheegtay
Aqallada la goodey iyo Aroos laga gabyaan sheegtay
Ninna kuma godboobine haddii Giinka lagu doodo
Ninki aniga igu gaarayow gobo'di baan sheegtay
|