Kalagooye
Faarax Nuur (Arab)
Nimuu qaamudkiisii galay oo qalinka loo duugay
jeeruu qarfooluhu nin weyn qadada wedaarsho
waa qaafil jeer ay indhuu qac u yidhaahdaane
qabkii weli ma dhigin Ciise Dhamal laysku qoonsadaye
waa waxay qarqoor leeyihiin waxaan qoyaamayne
haddaan nabadda loo wada qastiyin wayska qiil jabane
waataa ragii qoomanaa qaar xabaal yahaye
goor maad run uga qaadateen qaan yaraa dirirku
qabbi hadalka lagu laankalaan qaar ka saamiciye
waa lagu qiyaamaynayaa Arabka qaarow 'e
bal qilaafka daya geeddigaa idin qaddaacaaya
qayrada xagee lagu wadaa Qadow ka meeraysa
qaandhaawahoodii maxaa qoriga loo siistay
qaalmaha rasaatii maxaa logu wada quudhay
qosol been ah fool wada qayaxan qiil aan garanaayo
booraan afkii laga qafilay qabarna hooseeyo
qunsur oodan shabag laysu qubay qoolad iyo xeelad
qulaab iyo kulaab iyo lacaab laysu qarinaayo
qiyaamada kobtaa daahir ah aan qun ugu soo jeedo
doqon baa halkii lagu qatali qoorta soo dhigane
maanaa miniyo lay qarshaa laygu qali doono
qaafada Ismaaciil Jibriil qoonka Sacad Muuse
Awalkaannu qaadhanka guud qayb wadaag noqone
qaaliga Albaasaan ka dhigi qaadhka naylaha'e
qajajuu ha dilo geelayaga qululka dayreede
qooriga Afmeer iyo Si'Godan qodax ladii Tuurta
Qar waraabe iyo goob intay karintu qoynaysay
Qool Caday iyo Laan Dheer hakay qun uga soofaysay
ka qammaadnay goolkiyo wankii qarada weynaaye
qolqolkaan isaga muuqaniyo qayd la wada ooto
qadhiidhka iyo daankaanu nahay qaranka Guuleede
inaan haatan kala qaadanaa Qaadir soo rogaye
qatadeenii kala laasanay iyo qulufkii shaydaane
waaryaadha kala quusanaye qoomamo la'aada
|