Luxudkaan la gelayaa
LUQUN MADOOBE AWRKUBA

Cilmi iyo saaxiibkii Tabaase oo goor galaba ulugaynaya maqaaxi ay dhalinyaradu iskugu iman jirtay, ayaa looga yeedhay guri. Gurigaas oo ay ku noolaayeen hablo jeclaa inay Cilmi wax laqabtaan, dareensana dhibta iyo wareerka uu jacaylku u gaysan karo qof ibni aadana. Cilmi iyo Tabaase guriggii bay soo galeen, markaasaa midba meel fadhiistay, waxayna la sheekaysteen hablihii, waxoogaa yar markii ay fadhiyeen ayey hablii laba ka midi Cilmi ka codsadeen iyagoo taladii wax ka siinaaya saaxiibkii Tabaase inuu Cilmi innan allaale iyo innantii kale ee uu doonayo ee magaalada joogta farta ku fiiqdo, ballana waxay ku qaadeen in ay u dhammeyn doonaan. Madaxa ayuu aad u lulay markaasuu tiriyey gabay-gan tiiraanyada leh, dhamaantoodna caloosha soo wada qaaday.

LUQUN MADOOBE AWRKUBA

Luqun madoobe awrkuba kolkuu laacdan baranaayo
Isagaa u laakima badnaa laqanka xoolahe e
Hadba qaalmo laacdan ah wuxuu luqun jibaadhaba
Lix intaanu jirin haduu laacib ku ahaado
Lama loodin karo jeeray liicdo bowdaduye
Anna laabta kama gooynin caashaqii ladane
Luxudkaan la gelayaa sidaa igaga liil dheere
Midnaay hays ku kay lurin qalbigu laba jeclaan waaye

Previous     Top      Next