Cabdillaahi Baashoow cataqay gabay caraadkiise 
 Maxaad cuni ha joogtee adduun caashaqii dhigaye 
 Sidan caddadka biluhu tirsaday waan cabsanayaye 
 Qorrax casarka joogtaan ahoo ciiri dabadeede 
 Tixda waxan cashuuraba haddaan caynka ka higaadsho 
 Aniga cayda iiguma baxdiyo ceebta dibadeede 
 Carradaba nin laga naadiyoo caan baxaan ahaye 
 Cuqli midu u baxay baad tahoon caabudeyn axade 
 Cabbaar gabana meel uma fadhidid cisiyo maamuuse 
 Hadba tol aanu ceesh milix nahaad nagu cadhaysaaye 
 
 Caad iyo kancaan iyo samuud cadawyadii diinta 
 Cantar binu shadaad iyo kuwii coofka kor u taagey 
 Callaaq baa la sudhay reer Cimaad caro daraadeede 
 Casha keliyabaa reer fircoon wiish la caaridaye 
 Raggii dunida curiyee gudhsaday caadna laga waaye 
 Cabdalla Xasan waxa soo xasladay caarshe iyo Giibe 
 Cirkaa lagaga soo degey markay car isu taaageene 
 
 Cankabuudka caaradu xidhee lagu cayaaraayo 
 iyo wiil cartii qaba intuu amar la ceeryoomay 
 Cindallaahi waa simman yihiin waana laba cayne 
 Caddad mal leh rijal ladan intay calal ku duubene 
 Ooy meel cabbaar loo qodqoday kaga carraabeene 
 Oon camalka mooyee qabriga cid uga yeedhayne 
 Nin cirroobey oo soo gotoo camal ku soo raagey 
 Eebow adigu hay caddibin caadil baa tahay
 
        |