Cabdiyow wadeeciyo adduun way ka bixi waaye
Walbahaarka waan kula qabaa wahanna ii dheere
Aniguba wax badan baan laqwiyay waalli iyo qooqe
Fircoonkii wasiilada janada waadiyada jeexday
Waarsiino abiduu jeclaa waase noloshiiye
Rag kalaa waraytad ugu hadhay waxaddii xoolaade.
Wedku kama ajoon Nebiyadii inaga weynaaye
Nafle Aadan kama wiil badnayn waase kii dilaye
Waxyi looma soo rogin Jibriil waagii dabadeede.
Hal la weriyey shiikh iyo wadaad waracadii diinta
Culimadu warkay sheegtay iyo waanadaa dhabahe
Wacdi nooma laabnee naftuunbaa weleftay shaydaane.
Wajaq cudur warraaq meleg haddaan wilig idhaa caawa
Isaguba khalqiga waw wakiil oo waanu nixihayne
Weji qadab leh weedh kulul hadduu xaqa I waydiiyo
Allahayoow walaacaan qabiyo waali-nimadaada
Waayaha I haystiyo dambiga weelasha I buuxshay
Horay weranweryadu noogu timi waaqladuu yahaye
Wanna-kiirka geerida godakaan weyd ka khoof ahaye.
Waxshigii qubuuraha intaad nooga wehel yeesho
Eebow waclada haygu gubin waaqidka cadaabta.
Maantaan waxuushtuna maqnayn waxad intaad uuntay
ee uunku wada waaqif yahay wacadka meecaadka
Gaalada wabiinka ah haddii loo waddiyo naarta
Muslim inuu ku wiirsado adaw wacay dharaartaase
Wasti malaha diintiyo kufriga wax u dhexeeyaaye
miisaanka inaan waafi noqon waazinka xisaabta
Oon waladul khayr noqon haddii weyne iga yeelo
Iyo inaan wallaabida ku dhici wayluntiyo hoogga
Weecaanya Khaatumo waxay noqon waraaqdaydu
Waafaqada jeer aan hubsado waan werwerayaaye
Warna ma hayo gees ay arini ii wacaal bixiye
Marka inaan naftayda u walgamo aakhiraa wacane
Waslad maniya baan ahoon woofin cahadkiiye
Weecaanta khaatumo waxay noqon waraqqdaydu
Wadadii xajkii iyo intaan wadan ka gaadhaayo
Weysaysi baa iila gudboon wudu' salaadeede
Wakhtiga maan tukado geeridaa waajiboo xigiye
|