Maxamuud Jaamac "Daallin"
Maxamuud Jaamac "Daallin"
Gashi Bixin

Gabaygan wuxuu ka danbeeyey dhamaadkii colaaddii Erga -Layska ee ka dhacday aagga Nugaal 1950s.

Gubataye adduunyada maxaa galabta ooyaaya
Maxaa reero guuyow ahaa gelengel loo saaray
Maxaa oday gaboobiyo barbaar gumuc la lefsiiyey
Giddigoodba Habar yoonis iyo gaanki Hagar Aadan
Iyo GeedQuwaaxii sokee geelayaga quuday
Geeddiga Ugaadhyahan hadduu goorna furi waayey
Gadhcas iyo Majeerteen hadday garagaleen maanta
Gashi bixinta dheeraadkuse waa gob camalkeede
Geyigii Nugaal godan haddaan rag uga googooyey
Oon geel tolkay dhaqay nin kale gorof ku maalaynin
Sow geeri waa loo dhashaa gama' hadeer maaha

 Tripod MP3 Search  
Artist or Song Name:
powered by lycos
SEARCH: Tripod The Web