Dubkiibay Kurbaday
Maxamed Aadan Caws "Yawle", (HY)
Abwaanka oo Cadan jooga ayay soo gaadhay colaaddii HJ iyo HY u dhaxaysey. isaga oo ka tiiraanyaysan
dagaalka sokeeye waxaa uu yidhi.
Wax la yidhi dagaalbaa ka dhacay Doollo iyo hawde
isku duufe reerii hadday kala dednaayeen
Alaylehe waxay kala (dexeen) doorka maanta ahe
Doonbiraley lama aan jeclayn dirirta shaaleeye
Dagaalkay dhigeen geeljiruu dawba ma ahayne
Nimanbaa ku diirsaday warkay dumarku geeyeene
Anigana dubkiibay kurbaday diifna waw halise
Kuwii danabeennii hayaa daaha soo galaye
Docda Kiishshlaa shalay la furay degeladoodiiye
Haddaan daafad loo waayin iyo danane maadhiina
dabka iyo xarbiga waxan la rabey nimanka daaroode
Iminkay danuukhyeynayaan farax daraaddiiye
Digashada iyo heesuhuna waa duudda igu dhawe'e
Ku diirsade warkii reer isaaq ama dilkiisiiye
Ogaadeenka doolliyo runduda xabashi dawgeeda
Docmo iyo Majeerteenka yaal duudda MadaxGaallo
Maxamuud Garaadkaa darmaley deleb ku maalaaya
Warsangeliga dabdiisu taal soolal dacalkooda
Docdii aad u eegtaba Hartigu dooray nabadiiye
Waxa daawadii laysla helay reer Isaaq dila'e
Duunyana waxay kala dhaaceen laysu wada duubye
Marse haddii dagaalkii kordhoo dunida maansheeyey
Haddii daahirkii habar jeclo caydh la dulugleeyey
Degmada reer Xirsi Cismaan haday qaylo dirir doontay
Dunji Habar Xabuusheed dhamaan deris waxay hayso
Dusha Habar Magaadluu ka mari daacad eebahaye
Damman maayo oo waan ogahay dayrtan maanta ahe
Nin walboow u durug reer tolkaa danina yeelkeede
Dabadeed hormada ay helaan ha u durduureene
|