Maxaan kaga heli
Cabdillaahi hinig (Hj) iyo Yawle ayaa gabay dhexmaray beri. Cabdillaahi Hinig oo ka cabanaya nimanka la yidhaa reer Cismaan Beyle ayaa gabayga ku horreeyey isagoo  uu gabaygiisa ka mid ahaa.

maryan iyo walaal Faadumooy waad na melegteene
Lama mahadin duulkii jinaw mehersanaydeene
Allaylehe macaash lagama helin mihindiskoodiiye
Maslay iga rareen roobka oo maalmahaa da'aye
Geediga maroorka ah kolkuu maxamed baaqaayey
Haddaan Gubaddo loo soo melmelin Muus ma dhacanteene
Manka Daahir baan uga dhashiyo madaxda reer Nuuxe
Maax iyo Gadiid kama hadheen maahir dirirteede
Reer Aadan kama maysadeen mayrcadkii dhalaye
Reer Faarax meel laygu qalay kama maqnaadeene
Maloow dhimo'e sow reer Cismaan lama marqaafaysan
Sow Maxamed Yawliyo Dhimbiil looma midha sheegan
ninka maganta kaa dhacay sidii mawdka kuu yimiye
Kuluu muusanaaboo gantaal miridhay soo qaato
Madhiinaana reeraa la yaal alguma maageene

Maxamed Aadan Caws "Yawe" wuxuu Cabdillahi Hinig ugu jawaabay sidatan;

Ha'da gabayga waataan bennedey heesta maansada'e
Waataan ka haayiray tixii haybadda lahaaye
An hannaanshoo caawoo kalaan hilin banneeyaaye
habliyo Seedi waa waxa qaribay hurinta reer Cawle
Waa waxa hormadu Buulalleey u hadhsanaysaaye
Waa waxaan hillaacyada galbeed hali u daaqayne
Awelba hiilka nuux waa waxay hore u eedeene
HabarYonis waa waxan cidlada ugaga hoydaaye
Haweenbaan galmada kuugu hayn hab iyo maamuuse
Maxaan kaaga helayaa gobbaa lala heshiiyaaye

Previous     Top      Next