Good
Maxamed Aadan Caws "Yawle"
Gabaygan oo lagu tilmaamo inuu yahay kii ugu horreeyey ee uu abwaanku tiriyo waxa uu ku aadanaa waagii Ceelka Burco ay cashuurta ku soo rogeen Caarshe iyo Gibb oo badhasaab ka ahaa British Somaliland. Dadkii waa diideen canshuurtaas waxaana Faacuul Aadan Jugle ku toogtey ninkii la odhan jirey GIBB.
Nimankii dilka geystey kolkii laga fadhiistay ceelkii ayaa Yawle hal uu lahaa ku oloshay markii biyihii
loo diidey.
Guurtida Xirsi Cismaan u kace garabki Doolloode
Giddigiiba Muusa Cabdalliyo gaanka Baho oo dhan
Isaxaaq galbeed iyo ka guur gacamadiisiiye
Oodweyne kuma soo gudaan gaanka reer Caliye
Waxa reer Xuseen guulayaa goonyihii tubane
Laba Muuse gooddigan dhaxay gawda ka hayaane
Habar Yoonis gaankeeda sare gobolba meel aadye
Haddaad garan geyiga waxa ka dhacay good ma olosheene
Gulaan iyo biyoiyo raaxo iyo gubad ma doonteene
Garbadii caddayd laguma horo sidigta Gooraane
Gawi iyo ban bay nala noqdeen gumucyadii hawde
Geliweyney Gaaroodi iyo Gubad Xariirowe
Niman Goondhariinaa ku lumay gacan islaameede
Gorgor lalaya iyo waa Dayuur gawga baxayaaye
Gaajiyo haraadbaa indhii nala galluubmeene
Guuriyo cagaagbaa lugii gibil na yeesheene
Habeenkii kaa xigey ayuu yawle Alla ha u naxariistee damcay inuu hadhuub ku maalo hashii
Markaasay intay oloshay fadhiisatay. Wuxuu Yawle gabay kale ku yidhi isagoo la hadlaya
hashii.
Ceel Xumiyo Oodweyne waa laga carceeraaye
Kala carartay Habar yoonistii calanku saarnaaye
Dhamaan cali siciid iyo Ugaadh Cuurka baho oo dhan
Cigaal aadan, Muusa Cabdalliyo curubti reer Beyle
Cabdalliyo kaliil kama cabbaan ceelashii Bogoxe
Cilmi Qabille waa kaa ka raray xalay Cadaadleeye
Ceeg kuma furaan reer Xuseen ama Caleen weyne
Xirsi Bari wuxuu ciirayaa cidhifki Doolloode
Caynaanshihii Wadhan fadhiyey Caado kor u dhaafye
Laba Muuse ceerigan dhaxay caas la oloshaaye
Haddaan caawa nabad kuu ogahay kuma canaadeene
Cugcug kuuma oodeen sidii cuud ammaana ahe
Candhadiyo mudkaaguna sidii calal ma duubmeene
Sidii cududa gaab nimuu kelyaa calaliyoo jiidhay
Cidhin waxan la jiifaaba waa cadhiyo waabay e
Candhagoyseyohow hayga ridin col iyo haadaane
Sidaan caasi kaa galay ha qubin caano koob le'ege
Cunimaysid deegaan intuu Caarshe noolyahaye
|