Maax & Gadiid
Maxamed Aadan Caws "Yawle" (HY)
Gabaygan wuxuu abwaanku u tiriyey isla Muuse Ismaaciil dhexdiisa isagoo leh illaa jilibkiisu dagaalka galo mooyee inaan jilibada kale waxba aada tarayn.
Alamaanka Maax iyo Gadiid hayska iibsado'e
agoomaha ha leeleeliyeen aarimahayaane
Reer Faarax Oomane ma dego imanna maayaane
Iminkana abaarbaa waddee idinma eexayne
Adhigooda waxay daajiyaan adaxa Beereede
Aayada Quraaniyo kitaab odhahdi mooyaane
Sidayaga ugaadhsiga ma baran olola maadhiine
Isha siman haddii lagu shiriyo Eegi dhinaceeda
Asay Ulasan reeraha furaan ma arki doontaane
Annagoo axdiga meeriniyo ahabta mooyaane
Axan lagu qalee inaan lagu dilayn oori caano lehe
|