Xarbi
XARBI, (Ogaden)
Dagaalkii "Dhurwaale" ee Nimanka badan ee Ciidagale Ugaadeen ku laayeen ayaa dhawr nin oo ay ka mid yihiin Xarbi iyo Qawdhan Ducaale ka gabyeen. Qawdhan gabay Guubaabo iyo calaacal isugu jira ayuu tirshey, Xarbina waxaa reer tolkii oo libtii maantaas helay waxay ka dalbeen inuu gabay tirsho oo libintaa ka geeraaro. Xarbi oo nin caqli badan ahaa wuu diidey inuu gabay tirsho oo wuxuu yidhi inta Ciidagale Badankiisii Bari iga xigo gabyi maayee aan nimanka dhan u kala dhacno. Markii laga diidey ee lagu qasbay inuu gabay tirsho ayuu yidhi Xarbi (Alla ha u naxariistee):
Maansada Cabdiyo Nuurba way igu canaanteene
Ciroolahaa i waydiiyay iyo culimadaan diidaye
Cismaan iyo adaan Jaamacaw kuu camirayaaye
Ka curaarta cawaan sidii ceel idiin shubiye
Carab iyo Gurey waatii uu cunay waraabuuye
Cabdilaahi Nuux iyo Salaan ciida lagu aasye
Cawil Eebbe mooyee Khaliif ka cifan maysaane
Cadaab ma arke Aw Yuusuf baan ciilkii duubnahaye
Ceeblaawihii layga qaad caalinka ahaaye
Nin Cadaawe riixaa ka madhay cuurka Reer Dalale
Iyagu soo ceshaa iyo innagu kula carrawnaaba
Jeeroo col kale soo Baxoo qolo caw beesho
Ama ay wax kala caad baxaan sida cirkoo hooray
Intay Baho cadceed iga xigaan caafimaad dhimaye
Afaan Ciidagale ugu gabyaa iima caad bixine
|