Wiil Karanle1
WiilKaranle, (Karanle,Hawiye)
Gabaygan ninka tirshey waxu ku magac dheer yahay Wiil Karanle(Magacisa oo dhan ma hayo). Gabaygan waxay uu jawaab u ahaa mid nin ay gabay is dhaafsan jireen u soo tirshey.
Nimanyahow guddoon gabay berya waa ka gaabsadaye
garankeyga waataan ka jaray gocashadeydiiye
xalaybaan gigtaan iri hurdada wax igu gaareene
halkaan uga gol leeyahayna waan idin garwaaqsiine
waxa guurka ii yaalla waan soo geddinayaaye
gablan weeye geel kuu dhaloon godol ka maaleynin
gablan weeye guga oo da'oon gooshin bixineynin
gablan weeye gabadhaad dhashoon gogosha kuu qaadin
gablan weeye gibinaad dhashoon guulba curineynin
gablan weeye geediyo nimuu gebi ku soo haaday
gablan weeye gaammigan yaxaas ruux gabraarsadaye
gablan weeye gooshiyo ninkuu aarku kala gooyo
xalay guul aroorkiyo anoo ciilku igu gaaxday
anigoo gefkii layga galay aanan garan waayin
anigoo garkeygiyo gacmaha meel isugu geeyey
anigoo gam'eynoo hurdada aad u kala guurray
anigoo gasiinkiyo cuntadu iga gambuurowday
anigoo gabdhaha reer tolkey go'ay haweeneynin
aniga oo garoob iyo sidii gabadh xishoonaaya
gabbal dhaciyo waaberi haddaan guluf la heenseynin
ninkaa godobta kaa qaba haddaan gowrac lagu taagin
oon goynin hilibkiisa oon gumac la leefsiinin
gebigeed adduunyadan gurracan waa isaga guure
karanlow haddaan guluf la xirin waan is gowriciye
wallaahaan gambooley nihiyo magaca guudleeye
waa inaan gambada qaato oo giisho madaxeyga
garbasaar inaan qaato oo soo galbado weeye
guntiinada inaan soo xidhoon soo garsado weeye
wallaahaan garoob nahay carmali joogta gurigeeda
wallaahaan gambooley nihiyo magaca guudleeye
wallaahaan gashaantima nahoon aaraguda weynay
garwaaxeysigii ka tegay iyo gogol ku jiifkiiye
gefka uma dulqaatiyo xumaan leyla soo gala'e
gardarrada ma yeelloo xumaan waan ka gubannaaye
gumac gaaxsanaan jiray markaan godolka sii daayo
gebi dumay sidiisii markii la'isku soo guuro
waligeyba waan goobi jiray karanle guushiisa
guuleysta weligiinba waad gacan sarreysaane
galiilyada i heysoo wadnuhu ila gariiraayo
xalay gelin dhexaadkii dadkoo gama'sanoo jiifa
galleyrkiyo marku galowgu ciyey geddaankiyo xoogga
gurxankeyga iyo riinkiyo guuxa lala yaabye
gu' hagaagayoo gala da' iyo geeddi la i moodye
goohaad madow iyo markaan geesa bahal yeeshay
gaameesha iyo shaarubkiyo miciga soo giiray
sida goolka iyo goosha oo gibinnadii haysta
oo laaga guuda galay iyo gebiya hoostooda
oo gowsihiisiyo gacmaha meel isugu geeyey
nin galladay ninkii ganay libaax garaye ruuxiiye
ma guuleysto ruux iga gardaran goolka Karanla leh
afartaa guddoon lagu hadliyo gocashadeydii dheh
go,aanuu nin-weyn soo diriyo garasha waayeel dheh
gal xareda gooblagu nastiyo geed caleen bada dheh
gogol caaq leh gubaabin runa karanle guudkii dheh
gooni daaqa cawlkiyo waxaa goodir iga yeelay
geedaha ugaadhiyo waxaan geri la sheekeystay
maroodiga gacanka weyn waxaan gibil ku heenseeyey
gardhaalaha shabeel iyo libaax gebi la jiifaayey
gabraa'ada galool uu mas galay gacanta saartaaba
gudun geedka lagu goo waxaan gacan horreysiiyey
gebi dumay garoon geed ka baxay gowla kala guurtay
geel aroora ceelkoo gallama geel jir wada ooyey
gambooley cadhowdiyo hablaha guudka laga xiiray
Odayaal ra'yiga goyn jirtoo geedka laga saaray
garba duub rag loo giijiyoo gacantu naafowday
garoomaha rag lagu gowracoo dhiiggu gelelaabay
gumeysigu geddaasuu yihiyo guul darriyo hooge
gardarrada ma yeelloo xumaan waan ka gubannaaye
weligeyba waan goobi jiray karanle guushiisa
guuleysta weligiinba waad gacan sarreysaane
gardarrada ma qaatee xumaan waan u golgol xaaray
gartu ee ha noqotee ra'yina laysla garan waayin
nabad wey gallowdoo samaan weynu ka guurray
garyaqaannadoo idil markii gowrac lagu taagay
dhallinyarad goor iyo ayaan layga gummaadaayey
dummar aan wax gelin ee gacmaha naaska laga gooyo
gardarrada ma qaatee xumaan waan u gogol xaaray
gammaankeyga gaarka ah markaan gibilka heenseeyey
een galab carraabee dagaal ugu gacan qaaday
garka feedhki aan kaga dhuftiyo gowsahiyo daanka
gishaarada markii loo gogloo ganacya weyn taallo
geelii gendigu uu cunee wada galoofoobay
ee godolka laga waayey iyo caano laga gaaxsho
gufaanuhu hashii uu cuniyo shilin gabaarreyda
laga gaaryey laga goo wixii gibilka boogeeyey
geedaha caleentaa cillaan gooni ugu foofsha
gurrinkeeda naaxiyo nirgaha gooni socodkeeda
guuraha habeenkii ka jira tuuga qaa tahaye
bahal gowsa weyn iyo libaax gowracaa jira'e
waligeyba waan goobi jiray karanle guushiisa
guuleysta weligiinba waad gacan sarreysaane
sidii gaagur geel lagu raroo gamashi deyreeda
ka gu'iyo gu'yaal badan waxay gudub u saarnaato
shinnidoo kal sheytiyo wuxuu malabku gaaneysto
markii galabta loo fuulo oo daarka laga gooyo
malabkii ku gaaxdiyo markii miidda laga gaaxsho
ninkey gaajo heysaba markii loogu gacan haadsho
karanluhu geddaa weeyey iyo gallad ilaaheeye
baalshada macaan iyo jannaan gacan ku nuugnaaye
weligeyba waan goobi jiray karanle guushiisa
guuleysta weligiinba waad gacan sarreysaane
|