Hargeysaay
Axmed Ismail Dirie "QAASIM" (HY), 1984
1. Hargeysaay anaa kaa hurdee laguma haysteene
2. Haddaan soo hanbaabiri lahaa heec ma noqoteene
3. Horaad dacara kuma nuujiseen hooya beenihiye
4. Halaq iyo abees kuma gam'een hadhacyadaadiiye
5. Huluulaha col kuuguma jireen soo hamaansadaye
6. Hantidaada muu weerareen horor wax boobaaye
7. Hareertaada lama soo fureeen haaway doobadahe
8. Haweenkiyo caruurtaad lahayd lama halgaadeene
9. Hablahaaga muu guursadeen haybti garanwaaye
10. Hog dalluuna kama qayliyeen hanadadaadiiye
11. Hanuunshiyo indheergaratadii hode ma dhaafeene
12. Hadhaa laguma sheegeen raggii noo horrayn jiraye
13. Hoos looma eegeen kuwii hawlkarka ahaaye
14. Hoosaasiyaal uma shireen horumarkaagiiye
15. Maad hoos dhigteen labada sacab hooge baadiyahe
16. Habro looma doorteen golihii haybadda lahaaye
17. Hiirtaanyo iyo ciil wadnuhu ima hiqleeyeene
18. Haasaawaha iyo sheekadii lama hagoogteene
19. Ninna hadalka kama dhawrsadeen kuu hagaag bidoe
20. Hootada afaysani boqnaha igama heerteene
21. Dhammaan hooballadi may qaxeen hibadu saarrayde
22. Hogyaqaanadaadii murtida lama halleyeene
23. Heesaagi lama quudhsadeen hiray cadaawaaye
24. Hayeeshee habeen guulleh baad heli ayaan dhow'e
25. Had aan sii fogeyn waxad sugtaa heego iyo roobe
26. Hillaac caafimaadbaa ku mari hogol daruureede
27. Heeryada ragbaa kaaga furi hub iyo baaruude
28. Hiddo-dhalad wixii aan ahayn waa lagaa hudine
29. Hor ilaahay waan kaa xorayn hawshan kuu timiye
30. Insha-Allah home nabadgelyaa lagugu soo hoyne
|