Jiinley
Maxamed Cabdulle Xasan, (Ogaden)
Xuseenow jikaar lama hadlee jaalkay baad tahaye
Adaan iga jadeer wicin markuu jaahilkii didaye
Janhoo adaan qaban markuu jiitey gacalkaaye
Raggaan gaalo jeefaafi waa ehel jaxiimaade
Jahannama inay gelahayaan waygu jaamaca'e
Adaa jamalka soo raray markay Janan u guureene
Junne weeye ruuxaan ahayn jaadka aad tahaye
Dadka kale ka jeestaye adaan jaari kuu ahaye
Waxaan kaa jarreeraynhayaa sanada jiilaale
Sagal jiidan caad jilicsan iyo jarar hillaacaaya
Onkod jow leh daad soo jimraday jahada oo xiintay
Jowjowlihii xalay sidii jibin u guuxaayey
Jirka da'ay jadhaysaha gugii hara jidhaamowday
Jidhimada afkaa marahayiyo jababka ceegaga
Jaqaqarida geedaha noqdiyo xamashka oo jiiqle
Sidii jaawo dhane loo shubaan jeelka kaa bi'ine
Waxaan kugu jalbeebinahayaa jowhartii gabaye
Jalwiskayga maqal caawa waan jalalabaayaaye
Jundigii xigaaliyo anoo jooga gurigayga
Anigaan jareexiyo xumaan juuq la ii odhanin
Anigaan rag ii soo jirfaday jil iga qaadaynin
Anigoo jalaalada dhigtoo diinata jibanaaya
Anigoo jameecada galoo jaarrun xaruntayda
Anigoo wixii aan jantaba jimic la ii siiyo
Jamradii adduunyada anoo jimicnimaw haysta
Karuur jagagaclayn iyo anoo jaanka fuudahaya
Angaan jarraysimo hunguri la iga jeeqaaqin
Jaanjaanni baa iga khatalay johoraddaydiiye
Hawo nimaan ka jigan baan ahoo jiira dheer koriye
Waxaan ahay nimaan jare aqoon sida jaguug awre
Jawaawida Majeerteen hadday jalawadi yeedhay
Inaan Joro ku sii dhaxo hadday igaga jeebnaatay
Jiidaha Ilaahay haddii la igu jeeraarshey
Xagar jiqa jaleefan iyo qudhac jinow wax heeraaaya
Jiqtoolaha galooliyo sarmaan jarafku xiimaayo
Jimbac surad leh jiiqo isku baxay jiica iyo siiqda
Jillab xanafle jowdheer qallalan jabi xanuun weyn leh
Jirma qodax leh jiiqjiiq wax mudi jeerin iyo yooco
Jirda badan jiroon iyo qadhoon jaaful iyo seerin
Jafka hawdka guuraha waxaan jar iska xooraayey
Wuxuu jeeni calaflow libaax igu jibaadaayey
Raadkaan ku jiillaa wuxuu daba jadeemaayey
Jaldhaftiisa qoobka ah waxaan dib u jalleecaayey
jaajuusku geesaha wuxuu jirayey ruuxayga
Waxaan jaamagaarkii cabsida jimanka buuraayey
Wiyil joof leh iyo yey waxaan jirif ku keynaanshey
Jinniqabe shabeel ihi wuxuu igu jalaacaayey
Juq waxaan u soo idhi dugaag jalabutaynaaya
Wixii gaade jimiq soola xuli juhunkii ii muuqday
Jititaha hortaydaa waxaan jaaha kala leexday
Wuxuu jiinka ii maray Midgaan Jilibka tooxaaya
Kobaan jeesna ooliyo waxaan jarar ku aynfaaday
Jawi lagu harraadiyo waxaan omos jibaaxaayey
Jugley igu dhawaaqdiyo wuxuu galowgu jiiqleeyey
Jid abaara oo kulul waxaan hilin ku jiillaaday
Juunaha xagaagii wuxuu jaaha iga leefay
Jeedaaladii wuxuu indhaha jiitay araggooda
Jarmaadiyo carrababa waxaan bari u sii jeeday
Xagla jalaqle laafyaha waxaan jagac ka siinaayey
Jiitada masaafada waxaan jimiyey tooxeeda
Jaldhiskayga saydhadu waxay jac iga siineysey
Jidhiidhicada oogada waxaan jararacoonaayey
Cagta jeerarkeediyo waxaan boqonta jeeraarshey
Jalfiska iyo qonofkii wax aan jag isa siinaayey
Jiljilladiyo seedaha waxaan jaa'ifo u geystey
Jirridkii xabaallaa wuxuu jebiyey suulkayga
Jirriqaa abaariyo waxaan gocondho jeexaayey
Jingaraara socodkii waxaan jaynaf macaluulay
Jidaashaan u yeellnaa wuxuu jiidhku iga suumay
Jilbis halaqa iyo good waxaan jaanta kala boodey
Wixii aan ku joogsaday abees jilifle oo duuban
Maska jiririqleeyaa wuxuu jiidhis igu dhaafay
Jambareera dhiciddii waxaan jiifka qaban waayey
Hadba jimicsi aroortii waxaan juhul madoobaadey
Waxaan dhegaha jawgii ka baxay jibindhow moodaayey
Wixii aan jaruur galay waxaan jowray badankeyga
Rabbi baygu jeefagay waxaan jululay ruuxayga
Jaldhanka baahid waxaan jalaqa heemaarshey
Haddaan boqor jawaab iiga iman bad uma jeeleene
Jirku ima xanuuneen hadduu joog i leeyahaye
Jeclaantaan u qabay baan u tegay jaankii badihiiye
Jeer baa Ilaah ii qaddaray jiirahaan maraye
Jiidaha in meel loogu wado jaahil baan garane
Waxse igu jirrabay waa ninkii jookha ii lulaye
Cayuun jalalowleyn iyo raggaan jeer fardaha siiyey
Jaamuus lo' aad iyo raggaan jimir adhuu dhiibay
Amaan lacag jiriidaa furoo jeebka uga buuxshay
Waxaan gool jinaad weyn qaloo joome uga gooyey
Xeedhyaha jirlidhaa waxaan jaari ugu qaaday
Waxaan ramag jimiimici murkaha uga jufsiinaayay
Waxaan ilaxir jeexya leh aroos jalalamluu hooye
Jirjir malaba iyo foon waxaan jil uga yeelaayey
Waxaan jaawiduu shiday intaan jalamadduu shaahshey
Nimankaan jalbeebtooda gole jurux ka dhowraayey
Inay jaxar abaal iiga dhigi laabtu jirin meyne
Jisadeyda Eebbaan ka heli taloba waa jeere
|