Rikoodh
Maxamuud Jaamac Waal "Daallin", (186-1990), (HJ)
Maxamuud oo gabyaanimada ka sokow hayey taariikhda soomalida ee labadii qarni ee tegey ayaa markii da'diisu aad u weynaatey la weydiiyey sababta uu wax la illaawi waayey. Marxuumku wuxuu Xijaabtey 1990kii isagoo da'diisu kor u dhaaftay 130 sano.
Wuxu yidhi marxuumku;
Rikoodh baa calooshayda yaal runi ka buuxdaaye
Riyo iyo manaam baan hurdada reemay keligay'e
Rakcadiina waan wada tukadey raatibta ahaaye
Haddaan ragiyo naago u garnaqay raalli kala waayey
Oon ruux dhintiyo kaa fadhiya raashin wada siiyey
Oon raxan dhurwaa iyo dawaco wada rasaaseeyey
Oon ray caleenliyo abaar reerka wada daajey
Oon runiyo been soo arkoo weliba raad gooyey
Oon raqayo Raawila noqdiyo raqab la sheekaystay
Oon risaala caydha noqdoo raaxo daba joogtey
Oon ramag irmaan iyo horweyn raas ka wada ooday
aan guuto niman soo rogtiyo raacdo daba joogey
Haddii qolo intii aan la ridey qolona riixaayey
Ruuga iyo Jidbaale iyo haddaan Rigacad soo joogey
Oo raranki Beerdhiga cagaag ruugagga i diiray
Oo aan Ilkacad roorayey oo ridayey maadhiinka
Alow yaa riwaayad iga qora raa'ib baan ahaye
|