Xamar Seeri
Maxamuud Jaamac "Daallin", (HJ)
Part I
Waxan ka soo sheekaynay Tartankii fardaha ee lagu qabtay God-Dhuub ee nin waliba ka soo qaby galay si uu lacagta la dhigay saami uga helo. Maqaddinkii fardaha ee MC Xasan oo Ismaaciil Mire ahaa ayaa marayey maantaas.
Maxamuud Daallin oo ku jooga Xamar qaayibayaa Ismaciil Mire tilmaamay oo yidhi Faraskaasi meel uu ka yimiba waa dhashii Isxal oo cid u tegeysaa ma jirto nimanka saaranna uma dhalan. Maxamuud oo ka diiray hadalka ismaaciil mire ee ah "Uma dhalan" ayaa geeraar marshey.
Neefkani waa xamar Seeri
Waa dhashii Saxardiid
Seyidkii amranaa
Yaa Sinjigiisa lahaa
Waa ina Seeri wareegan
Gabadh laygama siinin
Sidig geela ma siisan
Si kaleetana maahee
Meel saraaya ka duulay
Ragga haadku sarriigay
baan sooyanow la wareegnay
Sabadii Balanbaal iyo
Suugaaluu Ku dhashay
Waa Siddeed jir da'diisu
Saldhig neef ka wanaagsan
Socod neef ka horreya
Sinaba loo arki maayo
Haddii qayla Sannaadho
Nadigu seetadu gooyo
Samaduu u baxaayoo
Wax salbbaa ma jiraan
Oday waa sal kacaa
Fule waa salsalaa
gabanna waanu saxayne
Siigga wuu la ordaa
Saryan waa genbiyaa
Haldhaana waa sababaa
Sifihiisa bal eegoo
Bal sidaan idhi eega
miyaa laygu sameeyey
|