Wegen Xile
Salaan Carrabey ayaa doonay inuu guursado Cawo Dhooble oo Axmed Grad(R Hgr) ahayd. Nimankii uu gabadha ka doonay waxay yiraahdeen Salaanow Faraska WEGEN-XILE ee abtigaa yaradka yuu ka hadhin oo haddaanu la socon Gabadh cidi ku siin mayso.
Colaad baa geyiga saamaysay oo Axmed Grd iyo Baharasame waxaa dhex yiiley dhiig badan oo nin door ku idlaaday. Salaan talo ayaa ku caddaatay oo wuxuu sameeyo ayuu garan waayey sababtoo ah niman col ah faras u kala qaadkoodu lama quruxsanayn balse waxaa ka adkaatay doonistii gabadha. Salaan abtigiis ayuu u yimi oo yidhi abti faraskaasaan kaaga fadhiyaa oo gabadhii lagu xidhay.
Abtigiis baa yiri"Abti ma ogtahay colaadda nimankaa na dhextaal"
"Haa" buu yiri Salaan Carrabey.
Abtigiibaa yidhi "Faras aan garaadku bixin ma bixin karee bal aan garaadka la hadalno". Taas oo macnaheedu ahaa Faras lagu siinayaa iska yar.
Salaan Wuxu marshey tixdan gaaban oo aan ka hayo.

1.  Wanaag maleh Xuseenow adduun la isku waalaaye
2.  Haddaad farasku inu weynyihiyo wehel dad moodayso
3.  Galab baa Waraabuhu cunaa ama la waayaaye

4.  Wajaq cudurna wayskaga dhacaa oofwareen melege
5.  Adoo werenweryiyo qayla timi WEGEN-XILaw haysta
6.  oo weerar dhacaybuu nin kale weligi fuulaaye

7.  Tol widhiidhi galay geed wahdiya ururka waayeelka
8.  Wigle jeedal lagu toociyuu warasayoo boodey
9.  barbariiqo lagu waabiyuu wadane xiimaaaye

10. Kolkaasay wuxuushtiyo cunaan haad Allaw wacaye
11. Weysaaqa dirireed halkay weehad ololaysey
12. Rag is wada wajiiriyo inkaar waramadoo dhiigle

13. Isagoo wajaqay meelxunbuu wegered gooyaaye
14. markaasuu waraar rag u noqdaa wiiro la lahaaye

15. Weji gacalku waysugu qabtaa shay kastoo wacane
16. Haddaan Walaxdu gurigiina iman kuma wareersheene
17. Wax ku siiyayaa iyo xaggaa kugu wereeyaaba
18. Kolla waari maayee abtoow weris ha lay raacsho.

faraskii isla subaxdii baa nin ilaalo ah oo ku joogaa jeedal ku dhuftay isaga oo aan ogeyn in farasku hurdo. faraskii baa markii jeedalkii ku dhacay boodday oo wadnihii goay oo halkaa ku dhintay.


---------------------------------------------

Previous     Top      Next