Kite(Part1)

Kite Fiqi (Ibraahim Fiqi Yuusuf Cali) (HJ)

Qaybta I aad

Kite Fiqi wuxuu ahaa geesi noolaa abbaara 1810-1870. Wuxuu ka dhashay qoys wadaaddo ah, aabihii Fiqi Yuusufna wuxuu ahaa nin caallim ah oo geyiga uu degannaa ka sheeggan. Waxa uu ahaa Abbaanduule isagoo aasaasay Ciidan fallaago ah oo ugu magac daray SOOCANE.
Colkaas soocane la odhan jirey oo ka koobnaa Cismaan yoonis iyo Cumar Jibriil (HJ) waxay xilligii ay jireen ka sheegnaayeen deegaanada Cayn, Nugaal, Saraar, guban iyo Soolasa Ceerigaabo ka hooseeya. Nin Sacad Yoonis lagu sheego oo ka sheeganaya dhibaatada colkaas Soocane ku hayeen beelaha ka ag dhawaa wuxu yidhi.

Soomali oo idilba waw sacatareeyeene
Soocane Ilaahaw ku bixi sebenka duulaaya
Samaydiin ma dhiidhido maalintay seenyo ololayso
Sacad Yoonis iyo Bah Idarays saymo ugu oodma
Sawliila waataad wax badan uunka sababteene.

Colkaas Soocane waxaa intiisii u danbeysey ay Daraawiish isaga hor yimaaddeen meesha la yidhaahdo ILKACAD oo illaa 70 nin ay ku qudhbaxeen. Inkastoo ay galaafteen tiro taa ku lba-jibbaaranta, dadka ay laayeen ama la dagaalamayeen waxay ka kala socdeen beelo kala duwan halka ay iyagu isu raas ka ahaayeen. Waatii nin canaanayey beesha Kite fiqi ka dhashay uu lahaa
Kite Fiqiba dabadii nabsigu idinma kaalmayne.
Taas oo uu uga jeedey Kite Fiqi ka bacdi maydnaan yeelan halyey faraha looga gubto.

Waxaa beri colloobey beelaha Kite ka dhashay iyo Habar Jeclo galbeed siiba Axmed faarax iyo Solamadow. Nimankaasi waxay soo dumeen ciidan xoog leh oo sida rajaynayeen maal iyo dadba cagta mariya beelaha kite oo xurguf yari dhextiil. Ciidankii markuu beelihii dul yimi oo laga war helay ayaa Kite Fiqi oo da' yaraa ka hortegey ciidankaa. Isagoo u caqli celinaya una tilmaamaya dhibaatada colaaddu leedahay ayaa faraskiisii inta ciidankii hadba dhinac u qaadsiiyey isagoo ku geeraaraya

Labadeennan Kurood
Oo kaalalkoodi sita
Oo laysku soo kiciyaa
Waa masaa'ib kulmaysee
War toloow kala jooja

Haddii aad kari weydo
Ama aad kasi weydo
Kufaarkii inankiisoow
Kariimkaan baryayaaye
Kabaalkiinnu jab maanta
...
Dagaalkiibaa dhacay waxaana looga go roonaaday nimankii soo duulay ee gardarada ku socdey abhiskii Kitena iska dhegamaray. Markii la kala dheelmay ee qolo waliba dhibkeedii dhabarka u ridatey ayaa kite oo iyo raggii kale, oo u qalab qaatay inay aasaan raggii meesha ku le'day, wuxuu arkay gorgor dul heehaabaya goobtii damacsanna inuu hilbaha halyeyada dhintay uu hiigo. Wuxuu kite geeraar ku yidhi isagoo la hadlaya Gorgorkii:

War waa jeedha jibriiloo
Jinaw iiga macaanoo
janno iiga udgoonoo
anba waan jaqayaaye
Gorgorkoow ha ku joogsan

Intaasi markay dhacday ayaa Kite mariyey gabaygan oo uu ku sifaynayo baasihii dhacay:

Reer Maxamed maaggoodi iyo malihi beenoowye
Waatay malyuun iyo lag iyo maayad kiciyeene
Guutadan maqiiqani baqay mihindisaayeene

maandhaaf rag waysugu tagaa maalin dirireede
Duulkii madhweyn maalinbaa mawdku jebiyaaye
Mari weydey Nuuxoow waxaad mihindisayseene

Reer Muuse waa mahadiyaa midha nin sheegtaaye
Wax dhaacxay qabiil magac lahaa malaw ka siiyeene
Nimankii maqaar loo ridyoo qaarba meel qabaye

Solamadow sidaan ugu mintiday meeshi laga waaye
Maxamed Axmed buurtiyo medkuu maati baxayaaye
Reer Xaadna waataan mudmudey maracaddoodiiye

Abtidoon madhkiibaa ku dhacay midigti toosnayde
Maryaweynta Reer Daahir iyo nimanka maal weyn ah
meeshaan maqaanaha u sido maantana anaa og.

reer Daahir waakii la xididay Cismaan yoonis iyo Kite ee Guursaday Arda Abokor Fiqi oo Kite adeer u ahaa. Ardo waxay dhashay nimankii gabyi jirey ee ilma Fadal aabayaashod qaar ka mid ah sidaan sheekada ku maqlay.

Previous     Top      Next