Kite Fiqi(Part4)
Ibraahim Fiqi Yuusuf "Kite Fiqi", (HJ), (1810-1870)

PART 4.

Dhibaaddii Buney Cabdalle.

Kite fiqi oo ahaa nin xarago badan,dagaal yahan ah,gabyaa ah, abbaanduule ah ayaa waxay ceel ku kulmeen Cabdalle Cumar Cali naaleye Axmed oo ay hadda ku abtirsadaan jilib dhan oo dhulbahante ahi. Cabdalle oo isna kibir badnaa ayaa kite ku yidhi "Kite Fiqiga la sheegaa ma adigaa", Haa buu yidhi Kite. "Goormaan ku soo beegaa buu yidhi Cabdalle isagoo u jeeda goormaad wax iska celin kartaa. "Marka reerahayagu degaan labada Dooxo ee Jarato Iyo Gomosh buu u celiyey Kite.
Markii gugii da'ay oo reerihii nimcaysteen ayaa Cabdalle col geliyey Cismaan yoonis iyo Cumar oo degey labadii dooxo iyo daafaheeda. Ciidankii soo duulay inta la jebshey ayaa Caballena la qabtay oo gacanta lagu dhigay. Kite ma dilin Cabdalle ee intuu Arad tiray ayuu laba nin ku daray oo yidhi marka oosha Naaleye Axmed isdiin muuqato ka soo laabta. Markii Cabdalle oo axankiisii la cunayo loona baroranayaa soo galay ayaa la fajacay. Caballe nin gob ah buu ahaaye laba nin buu soo diray oo yidhi Kitoow gabadh baan idin siinnaye u soo qabsada cid. gabadhaasi waxay ahayd Buney Cabdalle oo hablihii Carrigaas degganaa ka sheegnayd.
Kite Fiqi markay xidideen Cabdalle Cumar Cali ayaa Buney Cabdalle oo ay walaalo ahaayeen ninka la odhan jirey Afxakame u dhibaad doonatay tolkeed. Cabdalle waxa kaloo gabadh ka qabay niman Biciide (HJ) ah. Gabadhii Biciiduhu qabay waxaa lagu dhibaadiyey 60 adhi ah, tii Kite walaalkii u dhaxdayna waxaa lagu dhibaadiyey.
1. Xoolo aad u badan
2. 3 nin(midgaan,tumaal,yibir).

Nimankii Biciide ayaa ka xanaaqay arrintaas oo qaadan waayey. nin gabyi jirey oo qoladaas ahaa ayaa gabyey oo ay gabaygiisa ka mid ahaayeen

Barrahan raysin raysin u fadhiya bad iyo raarteeda
Iyo nimankan Raariyo dega iyo buurta regedkeeda
Iyamay rakaab adag bideen aniyo reer Yoonis.

Kite Fiqi oo ninkaas u jawaabay waxaa uu marshay tix gabay ah oo aan ka hayo

Barrahan raysin raysin u fadhiya bad iyo raarteeda
Iyo nimankan Raariyo dega iyo buurta regedkeeda
Midna raqiisi maayoo anaan ribo ku sheegayne
Abtirsiimo labadeenna reer waa isku raacdaaye
Maxaad raran dhexdena uga shidi sow nin raga maahid
Haddiise ay rabshadi oogantoo belo la roocaadsho
Goormaa rakaab jilicsanaan rag igu quulquulay
Ridadii Wareeg sownigii kaaga ridey maaha
Rasuulkii ma sheegine intii dabadi raad qaadday
Goormaa cilmiga ruugistiis nalaga roonaaday
Anse moogi dabaday rag dhalan dunida oo raagta


Previous     Top      Next