"Seeddow"
Salaan Maxamed Xirsi "Salaan Carrabey", (HJ)
Gabaygan soo socda wuxu Salaan u tiriyey inan seeddigii ahaa oo loo sheegay inuu yarad ugu soo socdo. Isagoo u dardaarwerinaya seeddigii ayuu tixdan ka horgeeyey isagoo leh SEEDDOOW HA IGU SOO LUGO'IN. Salaan oo markaas saboolay waxa uu sheegayaa in xiddidkii hore wuxuu adduun hayey ay meersadeen oo aan waxba ku hadhin.
Wuxu yidhi Salaan Alla ha naxariistee:
1. Lukaansi gabay Faaraxaw laaqin ma lahayne
2. Laflafkiyo lahwiga loo tirshiyo jaray lurkiisiiye
3. La'da xarafka laanka iyo ba'daan loyar ku ahaaye
4. Nin awawgii loox ugu dhigoo liilgashaan ahaye
5. Legjar Faranji niman baa akhriya laawis iyo beene
6. Oo waliba laasima intay lib isku moodaane
7. Ase waxan u laaqimahayaa tix ay ku luuqshaane
8. Mar haduu Lilaahida ka baxo waa lisaan jabane
9. Nin labaatan buuxsaday aduun waa lagdamayaane
10. Hadaan anigu loofari aqiin haatan loowlabaye
11. Nin ciradu lamaanaha dhigtoo oo laylyamaan ahaye
12. Lixdan laba iyo toban baan dul maray waana la hubaaye
13. Lafta dhabarka lixaadka i debciyo laafyihii gacanta
14. Lubbigaygu leyl xalay ma ladin laadadyiyo taahe
15. Waataa lanleemada indhaha araggu liitaaye
16. Liiqliiqad baan ahay sidii lulo dabayleede
17. Ma laxiibto geelaba hashi lahantay jiilaale
18. Ku laabudan shisheeye ninkii Laxawsi moodaaye
20. Hadba waxan lacaab riday ragbaa laastay yaradkiiye
21. liibaan Dhulbahantaa iga helay laalufse i moodye
22. Xaqaygaan ku laacibay haday igu lihiimeene
23. Sidaan ugu lalabay waanigaa laayacays badaye
24. Nin laqwiyey tashigu waa ka lalay laguna leecaanye
25. Lammaanaan xadhigi loo tidcay lugi ka toogtaaye
26. Lufan baa ka hadha dawliskii liilsanaan jiraye
27. Hadaan luqunta beri taagi jiray liicday adhaxdiiye
28. Nin laboonti sheegtaba sabaan laarriyaa heliye
29. Xaajadan laciifka ah aday ku lid noqotaaye
30. La fil ma ahi laankiin danbaan duxi lillaynayne
32. Laqantooyo xidid kii horaan laabta ku hayaaye
33. Iminkaan ladhkii weli qabaa laqanyadeediiye
34. Nin yaraan ku loofaray wuxu lumiyay raacdeeye
35. Fardahaba libaadshaha iyo duntaa ladha abiidkoode
36. Rag laacdamaya lool iyo rogaal leexaday is goysay
37. boodada ma laasimo darmaan leeddo fuulihiye
38. laanjeertidaan qabo barbaar ladani waa mooge
39. Adigoo lamada awr leh wadin ama liggood keenin
40. Leegleegsadaha waan necbahay laanta dheer sida'e
41. Waar Seedaw haygu soo lug goin lahasho waa ceebe.
|